Home Afsomali Haweenay iyo Nin garab ku siiyey oo maxkamad lagu soo taagay in...

Haweenay iyo Nin garab ku siiyey oo maxkamad lagu soo taagay in ay nin kufsatay

Haweenay ku sugan gobolka Ohio ee dalka Maraykanka ayaa lagu soo oogay in ay kufsatay taksiile ka hor inta aysan lacag ka dhicin iyada iyo nin kale oo weheliyay, sida ay booliisku sheegeen.

Brittany Carter oo 23 jir ah ayaa lagu eedeeyay in ay galmo la samaysay darawal 29 jir ah arrintaasina ay dhacday iyadoo uu darawalka mindi cunaha kaga hayo Corey Jackson oo 20 jir ah oo iyada la socday.

Booliiska ayaa sheegay in ay ka dibna ka qaateen darawalkii 32 doolar oo uu watay ka hor inta aysan ka cararin goobta ay arrintaasi ka dhacday oo ku taalla magaalada Findlay.

Booliiska ayaa sheegay in aysan ogayn sababta ay arrintaas u samaysay.

“Maadaama oo ay dhici rabeen waxaa laga yaabaa in ay ka ahayd in ay dareenkiisa jeediyaan” ayuu yi Robert Ring oo booliiska u hadlay.

Taacadigan ayaa dhacay ka dib markii ay Carter u wacatay taksiga shirkadda Trinity Express Cab Service saacadihii hore ee 28 bishii January, sida ay booliisku sheegeen.

Waxaa la soo xiray ka dib markii uu darawalku dhacdadan ku wargaliyay booliiska.

Carter ayaa hadda wajahaysa dacwado ay ka mid yihiin kufsi iyo dhac.

 

Booliisku waxay sheegeen in wali la la’yahay ninkii la socday ee Jackson ahaa sida ay booliisku sheegeen.

Wuxuu isna ku eedaysan yahay in uu ka qaybqaatay kufsi iyo dhac.

Dhanka youtube ka https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.