Home Afsomali Somaliland xiisad ka dhalatay sicir bararka iyo mudaahaadyo saameyn ku yeeshay ganacsigii...

Somaliland xiisad ka dhalatay sicir bararka iyo mudaahaadyo saameyn ku yeeshay ganacsigii beldaanka

Ciidamada Booliska Somaliland, ayaa xabsiga dhaxe ee magaalada Hargeysa u taxaabay laba wariye iyo sawir qaade ka mid ah hawl-wadeenada ka hawl-gala talefeeshanka Horn Cable, ka dib markii ay saaka isku dayeen in ay duubaan muuqaalka dad ka mudaharaadayey cabasho ay ka muujinayaan xaaladda sicir-barar ee dalka iyo weli ba sida oo kale sarifka lacagaha qalaad oo maraaya halkii ugu sareysay abid taariikhda Somaliland.

Warkan oo ay noo xaqiijiyeen mas’uuliyiinta sare sare ee talefeeshanka Horn Cable, ayaa sheegay in saddex ka mid ah hawl-wadeenaddoodii ay hada ku xidhan yihiin saldhiga dhaxe ee Hargeysa, waxaana wariyeyaashaas ka mid ahaa weriye Cabdiqaadir Saleebaan Codey, weriye Xasan Saleebaan Galaydh iyo sawir qaade Maxamed Axmed Gaabane.

Dhanka kale, ma jiraan illaa hada wax faah-faahin oo ay ciidamada Boolisku ka bixiyeen xadhiga wariyeyaashan balse waxa sida oo kale ay ciidamadu ugaadhsanayaan wariyeyaasha isku deyaaya in ay muuqaalo ka duubaan ganacsatada suuqa waaheen oo maanta sicir-barar awgeed u xidhay meheradahii ay ka ganacsan jireen.

Dhanka youtube ka https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.