Shirkii Magaalada Muqdisho uga socday Madaxda Dowladda iyo kuwa Maamul Goboleedyada ayaa gunaanadkii warmutiyeed laga so saaray
Kulnka ayaa socday laba maalin wuxuuna ka dhacay gudaha Madaxtooyada Soomaaliya oo lagu soo gabeeyay Shirkii Madaxda Qaranka iyo kuwa Maamul Goboleedyada,iyada oo looga hadlay Arrimo dhor ah.
Qodobadii la isku afgartay waxaa ka mid ahaa wax ka qabashada Abaaraha ka jira Dalka iyo sidii wax loogu gurman lahaa dadka ay Abaartu la dagtay iyo sidoo kale in la sameeyo Qorshe Ciidan Qaran oo mideysan si loo furo Wadooyinka Xiran ee dalka islamarkaana Dadka loo gaarsiiyo Gurmad Deg deg ah.
Waxaa sidoo kale looga hadlay Shirka Madaxda Qaranka iyo kuwa Maamul Goboleedyada Dalka ka jira in la xoojiyo Dagaalka Al-shabaab lagula jiro,waxaana lagu taageeray Shirka wada-hadalka Galmudug iyo Ahlusunna.
Dhanka youtube ka https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0