Home Afsomali Full VIDEO Raiisal wasaare Kheyre Dadkeenu sidaan kuma sii jiri karaan

Full VIDEO Raiisal wasaare Kheyre Dadkeenu sidaan kuma sii jiri karaan

Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo ay wehliyaan Wasiirada Gaashaandhiga, Amniga Gudaha , Warfaafinta taliyayaal Ciidan saraakiil iyo  Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa  Muqdisho  ayaa   booqasho howleyd   ku tagey degmadda  Dayniile ee gobolka Banadir waxaana marka hore ka qayb galeen  qaybinta  raashin gargaar ah oo ay Dowladda Imaaraadka   u qaybinaysay   dadka  ku soo barakacay Dayniile  kuwaa oo ay abaaruhu saameynta ku yeesheen

Gudoomiyaha dagmada dayniile Axmed Nuur Cabdi siyaad ayaa tilmaamay sida ay ugu faraxsan yihiin Maamulkoodu kaalmada la gaarsiiyey dadka ku soo barakacay dagmada dayniile .

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna  Duqa magaalada  Muqdisho Tabid Cabdi Maxamed ayaa sharaxaad ka bixiyey danta iyo Ujeedk maamulka Gobolka banaadir iyo  sida ay uga go.an tahay taakuleynayo wuxuuna xusay  in ay soo dhaweynayaa caawinayaan dadka Soomaaliyeed ee ku soo barakacaya  Gobolka Banaadir

Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Federaalka Sooomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa Dowladda Imaraadka uga mahadceliyey Go.anka  ay uga qayb qaadanayso gurmadka abaaraha, isagoo tilmaaamay  in  baahida iyo dhibaatada looga bixi karo  inay isu gurmadaan  Bulsho weynta Soomaaliyeed .

Dhanka youtube ka https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.