Home Afsomali Dowlado soomaliya Toban milyan doolar iyo Emaradka oo u direy...

Dowlado soomaliya Toban milyan doolar iyo Emaradka oo u direy markab buuxa oo sida raashin dawo qalab kale

Hay’adda Bisha Cas ee Imaaraadka Carrabta ayaa Markab wada gar-gaar bani’aadanimo usoo dirtay dekadda Berbera ee ku talla Gobolka Saaxil oo hoostaga maamulka Somaliland.

Markabka ayaa waxaa saaran gar-gaar qiimihiisa lagu sheegay Dh10.3 million oo isugu jira 3,819 tan oo cunta ah, 356 tan oo biya ah, 23 tan oo teendhooyin iyo joodariyaal ah, 51 tan oo ah dhar, bustayaal, agabka caafimaad iyo agab kale oo loogu talagalay carruurta.

Markabka sida gar-gaarka ayaa waxaa uu kusoo xiran doonaa dekadda Berbera ee Somaliland, waxaana loogu talagalay dadka ay abaaraha saameeyeen ee ku nool Soomaaliya.

Bisha May ee fooda nagu soo heysa ayaa la filayaa in Markabka uu soo gaari doono dekadda Berbera.

Dalka Imaaraadka Carrabta waxaa jimcihii lasoo dhaafay ka bilowday Olole dhaqaale loogu uruurinayay dadka Soomaaliyeed ee Abaaraha ay daashadeen.

Ololahaan ayaa waxaa hogaaminayay Madaxa Golaha sare ee Hay’adda Bisha cas ee dalka Imaraadka Carrabta Sheekh Xamdan Bin Zaayid Aala Nahyan iyo ururada kale ee kheeyriga ah ee ka jira imaaradaha kale sida Dubai, Sharjah, cajmaan, fujeeyrah, Umul Qeeweeyn, iyo Rasalkheeymah.

Lacagta la uruurinayo ayaa gaareysa shan boqol oo milyan oo Dirham oo loogu talagalay dadka Soomaaliyeed ee ay dhibatada ka soo gaartay abaaraha.

12-kii Bishan April, Dowladda Imaaraadka carrabta ayaa ku dhawaaqday barnaamij cusub oo gar-gaar bani’aadanimo lagu gaarsiinayo dadka  Soomaaliyeed ee abaaraha ay saameeyeen.

Barnaamijka cusub ayaa dowladda ay sheegtay in loogu magac daray ((li’ajligaada soomaaliyeey – لأجلك يا صومال  For Your Sake SOMALIA 🇸🇴)), waxaana taakuleyntaasi iyo ololaha gar-gaar, ka wada qeyb-qaadan doonna, Dowladda Imaaraadka iyo shacabkeeda, ganacsatada Soomaalidda ee dalkaasi iyo hay’addaha gar-gaarka ka shaqeeya.

Imaaraadka ayaa sandkan 2017 ku dhawaaqday in uu yahay sanadkii khayrka.

sidoo kale Dowladda Chine ayaa lacag dhan $10 milyan oo dollar oo loogu tala galay dadka ay abaaraha saameeyeen ee ku sugan Soomaaliya waxaa ay ku wareejisay hay’adda cuntada adduunka ee WFP.

Lacagtan ayaa sheegtay dowladda Chine in lagu iibin doono cunto iyo sidoo kale dawooyin ay u baahan yihiin dadka abaarta saameysay..

Wasiirka wasaaradda gargaarka iyo hortagga musiibooyinka Maryan Qaasim Axmed ayaa uga gmahad celisay dowladda Chine oo lacagtaan ku wareejisay hay’adda WFP.

Maryan Qaasim Axmed ayaa sidoo kale tilmaamay in Wasaaradda Gargaarka iyo hortagga Musiibooyinka ay waddo qorshe lagu caawinaayo dadka dhibaateysan.

Dhanaca kale Safiirka dowladda Chine u fadhiya Soomaaliya ayaa sheegay in ay laba jibaari doonaan gurmadka ay siinayaan dadka Soomaaliyeed.

Guud ahaan marka la eego  ururada caalamiga ah ee wadamada saaxiibka dhaw la ah Soomaaliya waxaa soconaya dadaallo ay ku caawinayaan dadka tabaaleysan oo ay saameynta adag ku yeelatay abaarta ku dhufatay guud ahaanba dalka, iyadoo maalaha qaar durbaba la bilaabay in gargaar dadka la gaarsiiyo.

Dhanka youtube ka https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.