Home Afsomali Full VIDEO Dayniile Bulsho iskuugu jirta Reer miyi iyo Reer...

Full VIDEO Dayniile Bulsho iskuugu jirta Reer miyi iyo Reer Magaalo Goofley iyo Xoolo dhaqato

Mashaariic horumarineyd ayaa ka socoto dagmada dayniile ee magaalada Muqdisho waxaana ka mid ah qodista ceel biyoodyo dhismayaasha danta guud sida ispitalada iyo dugsiyada waxbarashada waxaana u sii dheer furista wadooyinka iyo dayactirkooda .

Maxamed cabdulaahi Qaar weer waa gudoomiyaha waaxda barwaaqo  ee isla deegaankaas waxuuna iiga warbixiyey howlaha furista iyo dayactirka wadooyinka ay bulshadu baahida weyn u qabto halka ay marayaan iyo sidoo kale xaaladaha amniga iyo caafimaadka wuxuuna dadka deegaanka ugu baaqayin ay iskaashi la sameeyaan maamulka dagmadaasi

Gudoomiye ku xigeenka dagmada dayniile Maxamed Cabduqaadir Cali  jacfar oo aan wax badan ka weydiinay xaalada dagmada ayaa faahfaahin dheeri ah ka bixiyey howlada dagmada ka

Dagmada dayniile waxay ka mid tahay dagmooyinka ka soo kabanaya burkii dalka gaaray waxayna u haatan muuqataa dagmo uu u dhanyhay adeegeeda aasaasiga ah

Dayniile waa Dagmo iskuugu jirta magaalo iyo miyi wxayna biyo macaan siisaa dagmooyinka howlwadaag hodan ilaa xamar weyne.




Dhanka youtube ka https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.