Home Afsomali Dhageyso Afar Ajande ee looga hadlayo shirka London iyo 4 kale oo...

Dhageyso Afar Ajande ee looga hadlayo shirka London iyo 4 kale oo ku hoos Duugan

Warbixinta Cabdiraxmaan Ceynte Linkiga Hoose ka dhageyso 

Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, maanta waxaa lagu qabtay shir horudhac u ah shirka Bishan gudaheeda ka furmaya Magaalada London ee dalka Ingiriiska.

Shirkan oo ay ka qeyb galeen Masuuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka, oo ay ka mid yihiin Wasiiro, Xildhibaano, Dowlad Goboleedyada, Bulshada rayidka ah, Qurbajoogta, Beesha caalamka iyo xubno kale ayaa lagu uruuriyay talooyinkii lala tagi lahaa shirka London.

Shirka waxaa xoogga lagu saaray in Ajande loo sameeyo shirka London, waxaana la iswaafajiyay rabitaanka Beeesha caalamka iyo waxa ay doonayaan dadka Soomaaliyeed.

Arrimaha Amaanka, Siyaasadda, Qorshaha Ciidanka  ku howlgalayo magaca AMISOM iyo Kobaca dhaqaalaha ayaa diiradda lagu saarayaa shirka London ka dhacaya 10-ka May iyo 11-ka May ee sanadkan.

C/raxmaan Ceynte Wasiirkii hore ee qorsheynta oo ah qaban qaabiyaha shirka London ayaa sheegay shirka in uu yahay mid caalami ah oo ilaa iyo 40 dal iyo Hay’addo ay ka qeyb galayaan.

Shirkan ayaa waxaa wadajir u hoggaamin doona Dowladda martigelinaysa UK, Qaramada Midoobay iyo Dowladda Soomaaliya wafdiga uu hoogaaminayo Madaxweyne Farmaajo.




Dhanka youtube ka https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.