Wararka laga helayo gobolka bay ayaa tibaaxaya in dagaal lixaad leh oo ka dhacay deegaanka Goof gaduud oo dhanka galbeyd kaga began magaalada baydhabo xarunta gobolka bay lagu la. Yahay ciidamo nool nool oo nolosha ay ku kaxeysten dagaalamayaasha alshabaab
Dagaalkan ayaa yimid kadib markii Shabaabka ay weerar ku qaadeen xero Ciidanka Millitariga iyo kuwa Koonfur Galbeed ay leeyihiin Degaanka Goof-gaduud.
Intaa ka gadaal Ciidan gurmad ahaa oo ka amba baxay Magaalada Baydhabo, ayaa lala beegsaday qarax hareeraha wadada lagu diyaariyay, waxaana uu gaystay khasaare dhimasho, dhaawac isugu jira.
17 askari ayaa la soo warinayaa in ay halkaa ku geeriyoodeen ku dhawaad 15 kalena wey ku dhaawacmeen dagaalka ka dhacay degaanka Goof-Gaduud ee Gobolka Bay, kuwaasi oo isugu jira dhinacyadii Dagaalamay.
Qof job jooge ahaa oo la soo xariiray somalisan ayaa u sheegay in laba ka mid ah askarta dowlada Nolosha lagu kaxaysatay halka mid kalena meydkiisa la la. Yahay
Goof-Gaduud oo qiyaastii 30-KM u jira Magaalada Baydhaba ee xarunta Gobolka Bay ayaa waxaa ku soo noqnoqda dagaallada noocaan ah ee u dhexeeya Ciidamada Dowladda iyo kuwa Al-Shabaab.
walaalaheena dilnaa dadkeena ayaan lugeynaa beesha caalamku in aan dhamaano ayey rabaan
Dhanka youtube ka https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0