Home Afsomali Dowlada talyaaniga oo Qalab kala duwan ku wareejisay Taliska Ciidanka Bolice-ka (...

Dowlada talyaaniga oo Qalab kala duwan ku wareejisay Taliska Ciidanka Bolice-ka ( DAAWO SAWIRADA )

 

Ciidanka talyaaniga qeybta karbayeeriga ayaa ku wareejiyey ciidanka baambayda Boliceka soomaaliyeed Hal darsin oo qalabka Musiga ah

Munaasibada wareejinta agabka ayaa ka dhacday dugisga tababarka Boliceka waxaana ka soo qeybgalay qeybaha kala duwan ee saraakiisha ciidanka Boliceka iyo Kooxda Baambayda isla Ciidankaasi

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Talyaaniga ayaa warbaahinta u sheegay in qalabkaan loogu tala galay in lagu hormariyo Ciidamada Baanbeyda oo ka mid ah Ciidamda booliska Soomaaliyeed

Taliyaha Kooxda Musikada ciidamanka Boliceka Somaliyeed Maxamed Cali Xalaal ayaa tafaasiil dheeraad ah ka biyey ujeedka kulanka iyo Waxtarka agabyada kala duwan ee dowlada talyaanigu ku wareejisay ciidanka baambeyda boliceka

Taliye ku xigeenka labaad ee ciidanka Boliceka bashiir Cabdi maxamed oo qalabka musikada u gudoomay taliska Boliska ayaa mahadcelin ka dib wuxuu xusay in qalabka la gudoonsiiyey uu qiimo weyn ugu fadhiyo ciidanka iyo dowlada Somaliyeed oo haatan ka soo kabaneysa burburkii soo gaaray dalka oo uu qeyb ka ahaa ciidanka Bolice-ka Smalyeed.

dhamaad .

 

Dhanka youtube ka https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.