Home Afsomali Full VIDEO Shirka London Madaxweyne farmaajo Qurbo joog iyo Bulshada Rayidka

Full VIDEO Shirka London Madaxweyne farmaajo Qurbo joog iyo Bulshada Rayidka

Madaxdii hadashay dhamaan hadalo isu dhow ayay kuwada hadleen waxaana hadaladooda ugu muhiimsanaa hal eray oo ahaa midnimo kaas oo ay madaxdu ku celceliyeen.Hoos ka akhriso erayadii ugu muhiimsanaa ee kujiray khudbadihii madaxdu ka jeediyeen xaflada.

Madaxweyne Farmaajo
Waxa caalamku sida quruxda badan igu soo dhaweynayo waa idinka dartiin ee ma aha aniga shakhsiyan, safiiro ayaad tihiin ee Somalia ceeb ha ukeenina.Soomaali way midoowday shacabkeedii wuu midoobay qabiil iyo qurunkiisna waa laga tagay.Federaalku ma xuma ee waa dowlad dhaadhicin.

Raysulwasaare kuxigeenka

Udub dhexaadka khudbadiisu waxay ku qotontay midnimada iyo in laga miradhaliyo wadahadalada Somalia iyo Somaliland.

Madaxweyne Gaas
Caawa waanu wada farmaajeysanahay oo kuligaano waxaanu leenahay farmaajo noo geeya laakiin Farmaajo noo geeya in wax lagu daro ayay ubaahantahay!

Madaxweyne Axmed madoobe

Anigu Shakhsiyan waxaan ahay dadka aan rumeysnayn federaalisimka, waa hadal aan fiicnayn laakiin waxaa la yidhi nin dameer dabadiis ka dagay dan buu mooday.Ujeedada state state aanu usameynayno waa inaan meel iskugu soo uruurno kadibna hal meel isugu tagno.

Madaxweyne Shariif

Qabiilkii banaanka ayuu ku hadhay ee Qabiilka ka hara midooba wadajira.Anagu midnimo iyo walaalnimo ayaan ku soconaa wixi lasoo maray waa la soo maray maanta halkan ayaa la joogaa ee aanu madaxweynaha la wada shaqeyno

Madaxweyne Cosoble
Somalia waa mid hal madaxweyneyna leedahay,waxaan idinkula dardaarmayaa midnimo anagu mid baan nahay ee idinkoo mid ah ayaynu ku guuleysan karnaa.

Madaxweyne Xaaf

Qabiil wuu dhintay ee qabiil iska daaya,qabiilkii banaankuu ku hadhay.In qoryaha la dhigo iyo in shabaabku ilmihiina idinka xadin ku dedaala.

 

Dhanka youtube kahttps://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.