General Gaafoow oo iska bari yeelay dil uu gaystay darawalkiisa
Codka ka dhageyso linkiga hoose .
Janaraal Cabdulaahi Maxamuud Gaafow agaasimihii hore ee hey.ada nabadsugida iyo sirdoonka qaranka ayaa iska bari yeelay kulug lahaashiyaha fal dil ah oo ka dhacay dagmad awaaberi ee magaalada Muqdisho laguna eedeyey in Nin darawal u ahaa uu dilay marxuum lagu magacaabi jiray Mursal Owmuuse Cusman oo ka tirsanaa shaqaalaha maxkada sare ee dalka .
Qaar ka mid ah ehelada marxuumka ayaa janaraal gaafow ku eedeeyey in uu ka leexleexanayo in ninka dilkagystay sharciga la horgeeyo oo dacwada maxkamad loo gudbiyo .
Inta ka dib ayaan waxaa somalisan u suurta gashay in qadka isgaarsiinta aan kula xiriirno si bulshada aan ula wadaagno waxa ka jira eedeynta loo jeediyey jananka
Marxuumka ka dilay iyo darwalka Gaafow ayaa guri wada daganaa waxaana soo kala dhexgalay Muran markii danbe sababay in geeri ay timaado.”
Waxaana wax ka weydiinay ku lug lahaashiyaha falka dilka ah ee ka dhacay Muqdisho iyo in gacan ku dhiiglihii uu uu fududeeyey in uu sharciga ka baxsado .
Jawaabta Gaafow ayaa aheyd “idaacadaha ayaan ka maqlay mana istaahilaan in loo jwaabo waayo wax ka jira ma jiraan wararka ay faafianyaa “,
Gaafoow”Faarax Cali Nuur aniga darwalkeyga ayuu ahaa markii uu geystay falka dilka ah wuu baxsaday waxaana raadin iyo dabagal mudo socotay ka dib ay ciidamada NISSA ku guuleysteen in ay gacanta ku soo dhigaan ,.ninkii wax dilay C.I.D da ayuu ku xiran yahay labada reer ee ay ka dhasheena waa wada hadlen sharciga ayaana lagu kala baxayaa .
Labada nin midka la dilay iyo kan wax dilay guri waaberi ku yaal ayey wada deganaayeen wax ay isku dileen iyo wax ay isku lahaayeen anigu ma.aqaan shaqo aan ku leeyahayna ma jirto .
Nin danbiile ah anigu guri aan leeyahay ma soo galayo waayo nin masuul qaran ah ayaan ahay dadbaana weli qaba in aan anigu qarinaayo waxaana u sheegayaa cid kasta oo tuhunkaas uu ku jiro in ay tagaan xarunta C.I.D Xarunta danbi barista halkaas ayuu ku xiran ayuu ku celceliyey janaraal gaafow oo intaa u daray in ay fiican tahay in wax la hubsado ka hor inta aan cidna la eedeen
Ugu danbeyntii janaraal Cabdulaahi gaafow Maxamuud ayaa ku tilmaamay dadka isaga eedeeyey in ay dano siyaasadeed ka leeyihiin ayna doonayaan in ay sumcadiisa meel uga dhacaan
Wuxuuna ugu baaqay cid kasta oo tuhun ku jira in uu la xariiro xildhibaanada siyaasiyiinta iyo ehelada marxuumka oo ka qeybgalay shir ay isu horfadhiisteen kana qeybgaleen labada qoys ama ha tago xarunta uu ku xiran yahay Faarax Cali Nuur oo loo heysto in uu ka danbeeyey dilka marxuum Mursal Owmuuse Cumar .
Dhanka youtube ka https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0