Home Afsomali Madaxweyne farmaajo oo mar kale sameeyey xilka qaadis iyo Magacaabis ka baxsan...

Madaxweyne farmaajo oo mar kale sameeyey xilka qaadis iyo Magacaabis ka baxsan xeerka 4.5 ka

Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa xilkii ka qaaday agaasimihii guud ee Wasaarada haweenka iyo Xuquuqul Insaanka Xukuumada Somalia C/qani Sheekh Cumar ka dib wareegto ka soo baxday xafiiskiisa.

Wareegtada ayaa sidoo kale lagu magacaabay agaasimaha cusub ee Wasaaradda haweenka oo laga dhigay Deeq Saleebaan Yuusuf oo ahaa Agaasimihii hore ee Madaxtooyada Puntland.

Wasiirada haweenka iyo Xuquuqul Insaanka Deeqo Yaasiin ayaa shaqaalaha wasaaradeeda ku wargelisay isbedelka dhacay, iyadoo ka codsatay iney la shaqeeyaan agaasimaha cusub.

Laguma xusin wareegtada sababta xilka looga qaaday agaasimihii hore balse warar hoose ayaa sheegaya iney la xiriirto hanaanka awood qeybsiga beelaha, bacdamaa ay isku heyb yihiin Madaxweyne Farmaajo.

Wararka ayaa sheegaya in maadaama laga soo farxashay isbedelkii lagu sameeyey inta badan gudoomiyeyaasha degmooyinka Muqdisho xilka ka qaadista agaasimahan ay bilow u tahay isbedel ballaaran oo la damacsan yahay in lagu sameeyo agaasimayaasha wasaaradaha Xukuumada.

Dhanka youtube ka https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.