Dad badan oo Soomaaliyeed oo maanta nool waxay xusuusan yihiin waddadii hantiwadaagga cilmiga ku dhisan ee kacaankii 21 oktoobar umadda ku carraabiyey (nidaamkii Kaligii Talisnimada ee siyaad Barre)
Waxaa la yiri xilligii Kacaanka, in uu sakaraaday nin xoghaye xisbi ahaa, uuna ku carwasaaday guulwade siyaad (heesta kacaanka), ka dibna Sheekh la joogay uu ku yiri: waar waxaasi hadda waxba kuu tari maayee waxaad dhahdaa: Laa Ilaaha illa Allaah Maxamadul Rasuululaah. Kolley wadaadku xilkiisii guday, waxaase iyana xilkay xisbiga shaydaan u hayeen gutay dhaga-dhageeyayaashii iyo indha-indheeyayaashii kacaanka (jaajuusiintii) ee u kuurgali jirey sida hilinka loo hayo iyo cidda ka leexata ama dadka ka duwaysa, markiiba waxay dafeen oraahdii uu xoghayaha waddada Alle ugu tilmaamay, mana la daahine halkay xogta gayn jireen bay ku hubsadeen (hay’adihii Caburinta Siyaad Barre).
Sheekhu waa ogaa in la kala ilaalinayo dadka iyo diintooda, laakiin wuxuu u haystay arrin adduunka ku eg, sida uu moodayeyna xaalku ma noqone sheekhii xabsigaa loo taxaabay, ka dibna maxkamaddaa loo sii dhaadhiciyey. Xeer ilaalintu markay faldambiyeedkiisii soo bandhigtayna waxaa loo cuskaday qodobka: marin habaabin marxuum toosan! (Marxuum toosan ayuu shahaadada u laqimay)Garo waddada toosan ee marxuumka la weydaariyey waa tan hantiwadaagga cilmiga ku dhisan iyo Heesihii Kacaanaa(Alle inkirka)!
NB, Maalmahan waxaa Puntland ku soo badanaya, Guulwadayaasha aan la gardaadin oo shaqadii hore, mid cusub ku darsaday oo ah dhaga-dhageeynta iyo indha-indheeynta wixii dhaliil iyo tusaalayn ah ee dowladda loo jeediyo….. DAL-JOOGAY ISKA JIRA……
Qayb ka mid qormadan waxaan ka soo xigtay Maqaal uu WargayskII ILAYS KU QORAY SHEEKH AXMED C/SAMAD
Dhanka youtube ka https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view