Wararka ka imaanaya degmada Afmadow ee Gobolka Jubadda Hoose ayaa sheegaya in banaan bax looga soo horjeedo maamulka Axmed Madoobe uu ka dhacay degmadaas, iyadoo shaqaaqo ka dhalatay banaan baxaas ay sababtay dhimasho dhaawac.
Dadka banaan baxa dhigayay ayaa isugu jiray rag iyo dumar ka soo horjeeday Maamulka Axmed Madoobe oo ay ku eedeeyeen inuu ku wado eex iyo qabyaalad.
Wararka ayaa sheegaya in ciidamada maamulka Jubbaland ay xabsiga dhigeen odayaal ka mid ah kuwa deegaanka, waxaana rasaas ay ku kala ceyrinayeen dibad baxyaasha ay sababtay dhimasho iyo dhaawac.
Dadka deegaanka Afmadow ayaa sheegay in adeegii maamul ee ay uga baahnaayeen maamulka Axmed Madoobe aanay helin, ayna u dheer tahay dhibaatooyin ay kala kulmaan maamulkiisa.
Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa lagu dhaliilay in maamulkiisa uu caburin ku haayo dadka rayidka ah.
Degmada Afmadow ayaa ka mid ahaa deegaanadii laga saaray Al-Shabaab sanadkii 2012, waxaana tan iyo xilligaas la sheegay in wax horumar ah ka jirin deegaanka, waxaana tan iyo markii Axmed Madoobe loo doortay Madaxweynaha Jubbaland la sheegay in aanu marna booqasho ku imaan Afmadow.
Dhanka youtube ka https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view