Home Afsomali Dhageyso Qasaaraha dagaalkii Af urur oo sii kordhaya meydad la soo bandhigay...

Dhageyso Qasaaraha dagaalkii Af urur oo sii kordhaya meydad la soo bandhigay iyo Puntland iyo Alshabaab oo siyaabo kala duwan Uga hadlay

Waxaa la soo bandhigay sawirada Meydadka ciidamadii Puntland looga dilay dagaalkii  ka dhacay degaanka Af-urur ee ku yaalla buuraha Galgala ee gobolka bari kaasoo qiyaastii 80-km u jira magaalada dekeda ah ee Boosaaso.

Puntland 

Dagaalkan oo yimid ka dib markii boqolaal ka tirsan xoogaga Al-Shabaab ay duulaan ku soo qaadeen waaberigii  ciidamo ka tirsan Puntland oo fariisin ku lahaa degaankaas, halkaasoo labada dhinac uu ku dhexmaray dagaal gacmaha la iskula tagay oo qaatay saacado badan.

Meydadka u badan  askarta ka tirsan ciidamada Puntland ayaa la xaqiijiyey in dagaalkaas lagu dilay, iyadoo shabaabku ay gowraceen labaatan ka mid ah askarta Puntland oo ay nolol ku qabteen, waxaana sidoo kale dagaalka looga qabsaday ciidanka Puntland hub iyo gaadiid kuwa dagaalka ah.

Alshabaab 

Dhanka youtube ka https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.