Hay’adda Hormuud Telecom Foundation ayaa maanta deeq isugu jirta Lacago Dollar ah, Raashin & Shidaal gaarsiisay Isbitaallada Danta Guud ee ku yaalla Magaalada Muqdisho.
Deeqdan oo ah mid ay Hay’addu bixiso Sannad kasta Bishan Ramadaan ayaa waxa ay ugu talo gashay in Bukaannada ku jira Isbitaallada Danta Guud ay afur ka dhigtan muddada lagu jiro Basha Barakeysan ee Ramadaan.
Isbitaallada Deeqdan lagaar siiyey ayaa waxa ay kala yihiin Isbitaalka Banaadir, Madiina, Daayniile, Keysaney & Lansareeti oo dhammaantood ah kuwo si bilaash ah loogu daweeyo bukaannada qaba xanuunnada kala duwan.
Guddoomiyaha Hey’adda Hormuud foundation Cabdullaahi Nuur Cismaan oo ka war bixiyey deeqdan iyo inta ay ka koobantahay ayaa sheegay in bukaan kasta oo ku jira Isbitaalladan la siin doono $100 (Boqol) Dollar, halka isbitaalka Banaadir si gaar ah loogu wareejiyey Raashin, Timir & Shidaal. si ay ugu kaashadaan duruufohooda gaarka ah.
Agaasimayaasha Isbitaallada & Bukaannada Deeqda lagaarsiiyey ayaa si weyn usoo dhoweeyey kaalmada ay hey’addu usameysay, iyagoo uga mahad celiyey Hay’adda si ay had iyo jeer u garab istaagto Dadka Danta yarta ah ee ku nool Somalia.
Hay’adda Hormuud Foundation ayaa si joogto ah u caawisa Isbitaalladan danta Guud, waxayna ka saaciddaa dhinacyada Shidaalka & Matoorrada.
Dhanka youtube ka https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view