Home Afsomali Beydhabo oo lagu soo bandhigay rag loo heysto in ay ka danbeeyeeb...

Beydhabo oo lagu soo bandhigay rag loo heysto in ay ka danbeeyeeb dil ka dhacay Magaaladaasi

Maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya ayaa maanta Magaalada Baydhabo ee Caasimadda KMG ah ee Maamulkaas kusoo bandhigay 3-nin oo la sheegay ay ka dambeeyeen dil dhawaan Xaafadda towfiiq loogu geystay mid kamid ahaa Ergadii Xildhibaanada kusoo dooratay magaaladaas.

Marxuum Sheekh Maxamed Deyr ayaa la dilay xili uu ku jirey Masaajid ku yaala Xaafada Towfiiq ee Magaalada Baydhabo.

Howlgal ay si wadajir ah u sameeyeen Ciidamada Booliska gaarka ah ee Koonfur Galbeed Soomaliya iyo Nabad Sugida Dowladd goboleedka Koonfur Galbeed Soomaliya ayaa lagu soo qabtay ragaan 3-da ah ee la sheegay in ay ka dambeeyeen dilka marxuum Sheekh Maxamed Deyr, oo ka mid ahaa Ergadii Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya ku soo dooratay magaalada Baydhabo.

Dhanka youtube ka

 https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.