Agaasime Koofi Dowlada Norwey lama galin heshiis dib u celin ah dad soomaali ah
Dowladda Norwey ayaa ku dhawaaqday in ay aqoonsatay Baasaboorka Soomaaliga ah, gaar ahaan midka Diblomaasiga ah oo ay qaataan Madaxda Dowlada iyo Siyaasiyiinta, iyadoo tallaabadan uu soo dhoweeyay Agaasimaha Guud ee Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya.
Dhamaadkii sanadkan ayaa waxaa ay dowlada Norwey Soomaliya u soo direysa quburo heer caalami ah oo arko doona habka lagu bixiyo Basaboorka Shaqaalaha ee ( Service Passport ) iyo basaboorka shacabka ay qataan si ay dowlada norwey iagana u aqoonsato oo ay muwaadiniinta Soomaliyeed dal-ku galka ugu siiso.
Agaasimaha guud Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaliya G/sare Maxamed Aadan Koofi ayaa muddooyinki u dambeeyay waxa uu safaro ku tagay qaar ka mid ah dalalka reer yurub oo uu kala hadlayay sidii ay u aqoosan lahayeen baasaboorka Soomaaliga ah.
Sidoo kale Agaasimaha Guud ayaa madaxda dowlada iyo dhamaan Soomalida heysta Basaboorada Shisheeye ka codsatay in ay ku safraan basaboorka Soomaaliga marka ay ku baxayaan magaca Soomaaliya ayna ka qeyb galayaan Shirarka Caalamka.
Tan iyo markii uu G/sare G/sare Maxamed Aadan Koofi uu qabtay Agaasimaha cusub ee Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya waxaa uu howlaha shaqo ee hey’adda ku sameeyay horumar iyo dardar gelin, iyadoo hey’adda ay xilligan u howl gasho qaababka ay u howl galaan hey’adaha socdaalka adduunka.
Dhanka youtube ka
https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view