Home Afsomali Waa maxay cabsida ay qabaan Barlamaanka Jubalnad mase jiraa khilaaf Axmef Madoobe...

Waa maxay cabsida ay qabaan Barlamaanka Jubalnad mase jiraa khilaaf Axmef Madoobe iyo Barlamanka u dhaxeeya Jubaland

Waa maxay cabsida ay qabaan Barlamaanka Jubalnad mase jiraa khilaaf Axmef Madoobe iyo Barlamanka u dhaxeeya Jubaland.
Laga bilaabo shantii December 2023 baarlamaanka Jubbaland waxuu yeeshay 3 kulan oo kala ahaa: 1. Mid lagu ansixinayay miisaaniyadda 2. Kulan looga hadlayay fatahaadda 3. Mid wax looga badalayey (Qodobka 35aad ee Dastuurka Jubbaland oo Ahmed Madoobe uusan raali ka ahayn. (Qodobkan ayaa awood u siinayo baarlamaanka in si kali kali ah ay ula xisaabtami karaan Wasiirada xilkana oga qaadi karaan.
(Qodobo kale ayaa hadda la isku heystaa oo ay ka mid yihiin:
1.Qodobka 31 : Awoodaha iyo Masuuliyaadka Baarlamaanka Dawlad Goboleedka Jubbaland
3. In ay u yeeraan madaxweynaha Dawlad Goboleedka Jubbaland si uu uga jawaabo su’aalaha ay qabaan barlamaanku hal mar kalfadhigiiba.
Ahmed Madoobe ayaa iskadaa in loo yeeree ayaa amar duldhigay Golaha in la xiro ilaa amar dambe cajiib.
2.Qodobka 72 :Awoodaha iyo Musuuliyaadka Madaxweynaha Jubbaland.
Qodobka 72 faraqiisa 4aad ayaa dhigaya in Madaxweynuhu aanu ka maqnaan karin Jubbaland muddo ka badan 30 beri oo xiriir ah.
Ahmed Madoobe ayaa ka maqnaa 57 beri isla markaana Golihii la xisaabtami lahaa wuxuu ka joojiyay kulamadoodii.
Baarlamaanka Jubbaland ayaa hadda doonaya in la hor keeno heshiiska uu Ahmed Madoobe ugu wareejiyay dekadda Dowladda Imaaraadka, oo ceyrisay dhamaan shaqaalihii Dekadda ka xamaalan jiray. Ahmed Madoobe oo arintan ka biyo diiday ayaa xirtay baarlamaanka una hanjabay xildhibaano badan. Waxay hadda ilo xog ogaal ah ii sheegeen in xildhibaanno badan habeenba meel cusub seexdaan iyaga oo u cabsanayo naftooda.
Madaxweynaha Jubbaland sida ku xusan Dastuurka Jubaland waxuu xilka qaban karaa Labo jeer oo kaliya oo. Hadda oo uu muddo ka badan 10 sano madaxweyne ka yahay Jubbaland ayuu Ahmed Madoobe rabaa inuu xildhibaanada ku khasbo iney sharciga bedelaan si uu mar saddaxaad isu doorto. Si dastuurka uu u badalo ayuu hadda u ballan qaaday xildhibaan kasta inuu siinayo 15 kun dollar uuna mar labaad ka soo dhigi doono xildhibaan. Baarlamaanka Jubbaland ayaan marnaba rumeysneyn inuu soo clin doono iyagoo haddana doonaya inay qaataan 15 ka kun ee uu doonayo inuu siiyo.
Baarlamaanka Jubbaland:
1. Mushaarka ahaan waxuu xildhibaan kasta qaataa USD 1500 bishii
2. Waxaa la doortay Barlamaanka August 2019 wuxuuna ku egyahay waqtigiisu August 2024. Waa 4 sano iyo mid loogu daray
3. Wuxuusan mushaar qaadan 34 bilood oo u dhiganta 51,000 dollar mushaar ah
4. Waxaa hadda u dhiman 5 bilood oo mushaarkooda uu noqon doono 7,500 dollar.
5. Hadda 7 bilood ayuusan mushaar qaadan Barlamaanka Jubaland.
6. Hoolka Barlamaanka wuu ka xiran yahay oo madaxweynaha wuxuu rabaa maalinka uu Dastuurka furanayo kaliya inuu Barlamaanka u furo Hoolka Golaha Wakiilada.
7. Barlamaanka waxuu ka kooban yahay 75 Xildhibaan
8. Wax Gunno ah maleh Barlamaanka Jubaland inkastoo Miisaaniyad sanadeed loogu qoro sanad kasta.
9 Bisha August ee sanadkaan oo ku eg waqtiga Barlamaanka Jubaland wuxuu yeelanayaa Qaan sheegad dhan 51,000+7,500= 58,500 dollar
Ku tumashada Dastuurka iyo xuquuqul insaanka ayaa dhaqan u ah dagladda Jubbaland. Waxaana dowladda Federaalka laga rabaa in ay Ahmed Madoobe ka badbaadiso xildhibaanada Jubbaland iyo Dastuurka Jubbaland xili Xildhibaanada amnigooda khatar ku jiro.

W:Q Mohamed Abdi Osman Faradheere

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.