https://youtu.be/0XR_sO1gw50
Cudurka Shuban biyoodka oo ka dilaacay gobolo iyo dagmooyin ka tirsan dalka ayaa dilay in badan oo ka mid ah bulshada qeybaheeda kala duwan oo da.kasta leh
Cudurka shibanka biyoodka ayaa waxaa si aad ah looga dareemayaa marka aad tagto Ispitaalada la geeyo bukaanada uu soo rido in kasta oo ay jiraan deegaano kale oo aan helin gurmad iyo goobo caafikaad oo lagu dabiibo bukaanadaasi .
Sida aan ka soo xiganay dhaqtarada caafimaadka oo ay dhawaan Caamiarada Bulsho TV ku booqatay ispitalka banaadir ee Magalada Muqdisho
Qaar ma kid ah waalidiinta ubadkoodu uu soo ritay Cudurka shubanbiyoodka ayaa baxnaano u geeyey ispitaalada si ay u helaan gurmad iyo daawadii ku habooneyd inkasta oo aan dhamaantood nasiib u yeelan .
Cudurkaan ayaa ku sii fidiya dagmooyinka Gobolka banaadir iyo gobolada u dhowdhow mudooyinkii ugu danbeeyey ,Waxa laga qaadaa biyaha ama cuntada wasakhaysan ee ay ku jirto Bakteeriyada loo yaqaano Vibrio cholera.
Muuse M J Bulsho TV
Shuban biyoodku waa xanuun la kala qaado kaasi oo keena shuban badan & matag ,waana cudur lagu fuuqbaxayo mudo yar gudaheed lagana yaabo inay geeri dagdag ahi ku timaadoQfkii aan lala tacaalin.
Xanuunkan waxa uu ka dilaacaa meelaha nadaafadoodu hoosayso, meelaha dadku ku badan yihiin, ayna ka dhacaan dagaalada, abaaraha iyo macaluushu.
Bakteeriyada ayaa keenta shuban biyoodka waxa ay soo raacdaa cuntada & biyaha wasakhaysan kuwaas oo ka yimi saxarada ama mataga qofka xanuunka qaba.
Meelaha ugu badan ee laga qaadi karo waxa kamida.
Meelaha bulshadu biyaha ka isticmaalaan sida (Baraagaha , Ceelasha, Balliyada IWM)
Biyaha fadhiista wadooyinka wakhtiyada Roobabka
Cunooyinka dariiqyada lagu iibiyo amaba cunno kasta oo aan si fiican loo dayac tirin.
Khudradaha ka baxa meelaha wasakhaysan
Isla markii uu qofku cuno cunto ama cabo biyo wasakhaysan bakteeraydu waxay ku sii daysaa midhicirada sun taasi oo keenta shuban halis ah.
Calaamadaha Shuban Biyoodka
Xanuunkani wuxu kusoo ifbaxaa ugu yaraan dhawr saacadood ugu badnaana shan maalmood xiliga cudurka la qaado.
Iyada oo ay calaamaduhu iska yaryihiin wax badana aan laga dareemin, laga yaaba 20 kii qof in qof kamida xanuunku si ba,an uga soo ifbaxo halka inta kale aanay wax calaamado ah ka soo muuqan hadana wali waxay ka qayb qaadan karaan fidida xanuunka.
Calaamdahan waxa ka mid ah
Wadne garaac xawli ah amaba dagdag ah
Maqaarka oqfka oo marka lajiido isku soo noqon waaya
Xididadii wadnaha dhiiga u gudbinayey oo shaqadoodu hoos u dhacdo
Haraad
Muruqyo xanuun
Kaadida oo yaraata amaba la waayo muddo 8 saac
Dibnaha oo qalala
Gudaha afka oo qalala ama isku dhegdhega
Miisaanka oo hoos u dhaca
Tamar daro amaba daciifnimo
Indhaha oo god gala
Daaweynta & ka hortaga Shuban biyoodka
Shuban biyoodku waxa uu leeyahay talaal lakiinse intu noolaanyo ayaa yar mudo kooban ayuuna jidhka ku jiri karaa sidaa darteed manfaco badan malaha talaalkiisu. Balse waxa layskaga ilaalin karaa iyadoo
1.la karkariyo biyaha (3 daqiiqo heer kul sare ah) ama kiimikalis lagu daaweeyo.
Biyahaasi oo loo adeegsanayo
Cabitaan
Cunto karis
Cadey
Fool dhaqasho iyo gacmo dhaqasho
Khudaarta in lagu maydho
Iyo dabcan weelka cuntada lagu ridanayo oo lagu maydho
2.Waxa kale oo loo baahanyahay in laga dheeraado cunooyinka cayriin sida
Khudrada iyo cuntooyinka aan galka laga dhilin
Caanaha aan la karkarin
Hilibka aan dab sare lagu Karin
Kalluunka laga soo saaro harooyinka ama balliyada waaweyn ee laga cabsi qabo inay ku jiraan biyo wasakhaysan.
3.Waxa iyana muhiim ah in gacmaha si joogto ah loo dhaqo nadaafadana lagu dadaalo
Shuban biyoodka si shalan baa loo daaweyn karaa balse fuuqbax dag dag ah ayuu keenaa kaasi oo halis galin kara nolosha bukaanka ay tahayna in isla judhiiba lala gaadho daaweyn sax ah.
Fuuq celintu waa habka ugu muhiimsan ee lagu daaweyn karo shuban biyoodka, taasi oo ku xidhan heerka uu shubanku gaadhsiisan yahay. Daaweyntaasina waxay ka kooban tahey mid afka laga qaadanayo iyo tu xididada laga qaadanayo si loosoo celiyo macdantii iyo dheecaanadii la lumiyey.
Antibiotics ka lagula tacaalayo bakteeriyada shubanka keenaysa kama mid aha gargaarka dagdega ah ee bukaanka loo fidin karo balse waxay qayb ka qaadan kartaa xadidista korodhka bakteeriyada taasi oo ka hortageysa fiditaanka xanuunka.