Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali khayre ayaa aqbalay Shaqa ka joojintii Xoghayahii Wasaarada Arimaha Gudaha Soomaliya Yaxye Cali ibraahim oo uu shalay shaqada ka joojiyey Wasiirka Arimaha Gudaha Soomaliya Abdi Farah Saeed.
Ilo xog ogaal ah ayaa xaqiijiyay in raisul wasaare khayre uu u yeeray xoghayihii Shaqada laga joojiyey Pro yaxye isla markaana uu Ku amray in uu xilka Ku wareejiyo Xoghayaha Ku kmg ah ee wasiirku magacaabay.
Dhanka kale Agaasimayaasha Waaxyaha kala duwan ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda federaalka Soomaliya ayaa taageeray shaqo joojintii uu sameeyay Wasiir Juxa, taasoo Wasiirku ku helay kalsooni.
Xoghayihii joogtada ee shaqo joojinta sameeyay ayaa la sheegay inuu macsalaameeyay shaqaalaha, isla markaana aqbalay xil ka qaadista lagu sameeyay,Wararka qaar ayaa sheegaya in Yaxye loo balan qaaday in xil kale loo magacaabi doono, iyadoo maalmaha soo socda uu si rasmi ah xilka u wareejin doono
Dhanka youtube ka
https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view