Home Afsomali Yaab anaga aragnay Dowlada Hindiya ayaa ku dhawaad 50 dhalinyaro Soomaali ah...

Yaab anaga aragnay Dowlada Hindiya ayaa ku dhawaad 50 dhalinyaro Soomaali ah oo loo haysto Burcad badeednimo ku xukuntay dil toogasho ah. Waxaana laga yaabaa in ay waayeen cadaalad iyo cid u dooda

hindiya

Maxkamad ku taala magaalada labaad ee ugu weyn dalka Hindiya ee Mumbai ayaa dil toogasho ah ku xukuntayt 50 ruux oo Soomaali ah oo loo haysto inay ka tirsan yihiin burcad badeeda Soomaalida.

Maxkamada oo ay kasoo hor muuqdeen 119 ruux oo Soomaali ah ayaa 50 ka mid ah waxaa lagu xukumay in la dilo sida uu ku dhawaaqay garsooraha maxkamada kiiskaan.

Warbaahinta Hindiya ayaa baahiyay in maxkamada oo qaaday dacwada loo haystay 119 ruux oo Soomaali ah oo ciidamada badda Hindiya xeebaha Soomaaliya ka qabteen intii u dhaxaysay 2011 illaa 2012 garsooruhu sheegay inay badankood qirteen dambiga loo haystay ee ah inay burcad badeed yihiin.

Qiyaastii Todobaatameeyo ruux oo marqaatiyaal ah ayaa maxkamada hor tagay kuwaasoo dhalinyaradaan Soomaalida ah ku cadaynayay inay geysteen falal afduub ah.

Garsooraha maxkamada qaadaysay dacwada Soomaalida loo haysto Ranjeed Sangale ayaa sheegay in tiro ka mid ah dhalinyarada Soomaalida ah lagu xukumay xukun xabsi daa’in ah inkastoo uusan tiradooda shaacin.

Warbaahinta dalka Hindiya ayaa qoray in safaaradda Soomaaliya ee Hindiya ay wado dadaal ay ku doonayso in dhalinyaradaan Soomaalida ay u raadinayso qorshe ay dhalinyaradaan dalka Soomaaliya lagu maxkamadeeyo.

Dhalinyaro Soomaaliyeed oo aan tiro yareyn ayaa ku xiran xabsiyada dhawr wadan oo dunnida ah kuwaasoo qaarkoodna ay xukun sugayaal yihiin halka kuwana ay xukuman yihiin.

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.