Duuliye Asli Xasan Cabaade oo deeq lacageed gaarsiisay Xaraaga Naafada XDS ee Ku jira Ispitalka DMartiini
Duuliye Asli Xasan Cabaade (Calansida) oo aheyd haweeneydii ugu horeysay Soomaaliya ee duulisa dayuurad ayaa booqatay naafada xoogga dalka Soomaaliyeed ee Dagan Isbitaalka DMartiino ee magaalada Muqdisho.
Asli oo ka mid aheyd duuliyeyaashii ugu firfircoonaa ciidanka Cirka Soomaaliyeed ayaa markii ay aragtay duruufaha ay ku sugan yihiin naafadii ciidanka XDS iyo Qoysaskooda ayaa waxaa indhaheeda ka soo daatay ilmo ,Murugo daraadeed , iyadoo ka damqatay daryeel la.aanta heysata Ciidamadii ku naafoobay daglaakii 77 .
duuliye Asli Xasan Cabaade ayaa naafada xoogga dalka guddoonsiisay deeq lacageed oo ay ugu soo talo gashay, waxayna balan-qaaday iney si joogto uga war heyn doonto, iyadoo ugu baaqday dowlada Soomaaliya, ganacsatada iyo Jaaliyadaha dibeda iney il gaar ah ku hayaan xaalada naafada XDS ee Martiini.
Afhayeenka ciidanka Naafada XDS ee Martiini oo isna goobtaas ka hadlay ayaa uga mahad celiyey duuliye Asli Xasan Cabaade booqashada ay ugu timid iyo deeqda ay soo gaarsiisay, isagoo dhinaca kale warbixin ka siiyey xaalada naafada xoogga dalka iyo duruufaha adag ee ay ku nool yihiin.
Korneyl Aadan Magan Maxamed oo ka tirsan ciidanka XDS haatana ku jira Naafada Ciidanka ayaa si kooban uga hadlay aqoonta uu uu leeyahay Asli wuxuuna ku amaanay sida ay u soo xusuusatay una soo booqatay ciidankii ay ka mid ahaan jirtay 27 sano ka dib.
Duuliye Asli Xasan Cabaade ayaa intii ay JOOGATAY ISPITALKA mARTIINI waxay la sheekeysatay qaar ka mid ah Haraaga naafada xoogga dalka, iyadoo ka wareysatay xaaladooda nololeed iyo halka ay wax ka helaan.
Dhanka youtube ka
https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view