Home Afsomali RW Kheyre Ciidanku waa Rajo iyo Dib u dhis Qaran ( DAAWO...

RW Kheyre Ciidanku waa Rajo iyo Dib u dhis Qaran ( DAAWO SAWIRADA )

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Mudane Xasan Cali Kheyre oo weheliyaan Wasiiro ka tirsan Xukuumadda, ayaa maanta ka qeyb galay kulanka ciidamada Qalabka Sida, isagoo ku ammaanay Xasilinta Dalka kuna dhiirigeliyey inay sii labajibaaraan doorkooda soo celinta Amniga, Xasilinta iyo Nabadeynta Dalka.

Ra’iisul Wasaaraha oo khudbad u jeediyey ciidamada ayaa ka hadlay muhiimada, hadafka iyo doorka looga fadhiyo in Ciidanka uu kaalintiisa qaato.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa yiri “Ciidanka Qalabka Sida taariikh facweyn bey Dalka ku leeyihiin, waxaadna huwan tihiin qaranimada iyo sharafta Dalka. Maadaama aad raadineysaan Soomaalinimo iyo inaad dalkaan xoreysaan, waxaana arrintaasi ku qaban kartaan inaad tihiin Soomaali, Taliyeyaasha halkan fadhida idinka ayaa la idinka rabaa inaad isku soo dhaweysaan ciidamada”.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in ciidanka qalabka sida ay yihiin rajada iyo dib u soo celinta dawladnidamada, sharciga iyo kala dambeynta. Wuxuna ugu baaqay in la sii wado qorshayaasha ay kula dagaalamayaan cadowga ummadda Soomaaliyeed ee doonaya inay daadiyaan dhiigga dadka shacabka ah.

“Soomaaliya waxay u baahan tahay shaqadiina hufan, maalin walbana waxaa sii kordheysa baahida uu waddanka idin qabo. Waxaa dhammaanteen naga go’an inaan difaacno diinteena, dalkeena, dadka iyo dowladda. Cadowga waad ka xirfad sareysaan, kana garowshiyo fiican tihiin dhinaca diinta, asluubta, dhaqanka iyo aadminimada, taas ayaana keentay inaad shacabka kalsooni buuxda ka kasbataan”.ayuu yiri R/Wasaare Khayre.

Sidoo kale, waxaa kulanka ka hadlay Wasiirka Caddaaladda iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo dhammaantood tilmaamay baahida loo qabo ciidan ha

nan kara guud ahaan amniga dalka.

Dhanka youtube ka

 https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view

IMG 1239
IMG 1273
IMG 1278
IMG 1296
IMG 1289
IMG 1297
IMG 1299
IMG 1330
IMG 1336
IMG 1353

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.