Home Afsomali Ciidamada Hubka dhigista oo Dayniile baaritaano ka sameeyey

Ciidamada Hubka dhigista oo Dayniile baaritaano ka sameeyey

Ciidamada Xasilinta Magaalada Muqdisho ayaa baaritaano xoog leh ka sameeyay Xaafaddaha ay ka kooban tahay dagmada Dayniile

Goob joogayaal ayaa saxaafada  u sheegay in Ciidanka ay baarayeen Gaadiidka iyo dadka iyagoo indhaha ka xeray dhalinyaro badan Baaritaan dheer kadibna la sii daayay qaar ka mid ah dhalinyaraadaasi.

Xaafadda Oodweyne degmada Deyniile ee gobalka Banaadir ayaa hore loogu dilay Gudoomiye waaxeedkii Xaafadaasi iyadoo ka dib dhowr jeer madaafiic laga soo riday ay waxyeelo gaarsiiyeen dad Shacab ah.

 

https://youtu.be/MkOqPtIk6Bc

Dhanka youtube ka

 https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.