Duuliye Asli Xasan Cabaade oo Boqasho ku tagtay Taliska Ciidanka Cirka Soomaaliyeed iyo Gurigii ay ku dhalatay oo ay Badan ugu danbeysay
Asli Calan Sida oo ka mid aheyd Duuliyaashii Soomaaliyeed ee Ciidanka difaaca Cirkaa ayaa Booqatay Xarunta Taliska Ciidanka Cirka waxaana halkaa ku soo dhaweeyey Taliyaha Ciidanka cirka G/guuto Maxamuud Sheikh Cali Dable Bailod iyo Taliye ku xigeenka Ciidankaas Janaraal Maxamed adan Samatar saraakiil saraakiil ku xigeeno iyo dabley .
Asli ayaa warbixino ka dhageysatay qaar ka mid ah ciidankii ay horey uga tirsaneyd oo loo sheegay waxyaabihii dhacay intii ay dalka ka maqneyd.
Sareeye Guuto Maxamed Adan Samatar ayaa Duuliye Asli ku soo wareejiyey dhamaan xaafadaha qoysaska Ciidanka Cirka ee Afisyooni ilaa markii dnbe uu tusay Gurigii ay ku ku soo barbaartay Waxna Ku baratay .
kulan gaar ay wadayeesheen saraakiiisha ciidanka cirka iyo duuliye Asli ayey uga waxa munaaqishoodeen isbedelka ku yimid ciidanka cirka iyo sidii lagu heli lahaa diyaaro loona carbin lahaa dhialinyaro soomaaliyeed si ay mustaqbalka u Noqdaan Duuliyayaal uu dalku leeyahay .
sareeye Guuto Maxamud Sheikh Cali Dable Bailod oo ka mid ah duuliyayaashii ugu horeeyey ee uu yeesho ciidanka dicaafa cirka iyo Hawada soomaaliyeed oo saxaafada hadlay ayaa sharaxaad ka Bixiyey soo dhaweynta Duuliye asli Xasan oo uu sheegeen in ay ku ku faraxsan yihiin Booqshada duuliye Asli ee xarunta taliska Ciidanka Cirka oo ay Mudo ka maqneyd balse Taariiikhda ciidanka cirka ay baal dahab ah ka gashay
Taliye ku xigeenka ciidaakaas S/guuto Maxamed Adan Samatar oo ku hadlayey Magaca Ciidanka iyo saraakiisha isla markaana ay wada shaqeyn jireen Asli ayaa ka warbixiyey xaalka ciidanku sida uu ahaan jiray iyo haatan sida uu isu bedelay
Duuliye Asli Xasan Nuur Asli Calan sida ayaa u mahad celisay dhamaan saraakiisha iyo cidianka ka qeybqaatay soo dhaweynteeda .
Ciidanka Cirka Soomaaliyeed ayaa haatan ka soo kabanayo burburkii lixaadka lahaa ee soo gaaray inkasta oo aanan weli laheyn wax diyaarado ah.