Home Afsomali VIDEO Shuban Biyood ku dhacay Qaar ka Mid ah Gobolada dalka Soomaaliya

VIDEO Shuban Biyood ku dhacay Qaar ka Mid ah Gobolada dalka Soomaaliya

https://youtu.be/0XR_sO1gw50

Cudurka Shuban biyoodka ayaa lagu soo waramayaa inuu ka dilaacay degmada Baraawe ee Shabellaha Hoose iyo sidoo kale deegaanno ku dhow degmadaasi.

Bashiir Maxamed Yuusuf, guddoomiye ku xigeenka dhanka ammaanka iyo siyaasadda ee maamulka degmada Baraawe ayaa Goobjoog News u sheegay in dad badan oo cudurkaan uu soo ritey ay hadda jiifaan Isbitaalka degmadaasi.

Wuxuu tilmaamay in dadka hadda ay tiro ahaan gaarayaan 50 qof, islamarkaana badi dadka laga keenay deegaannada ku dhow degmada Baraawe.

“Cudurka Shuban Biyoodka ayaa ka jira degmada iyo Deegaannada kale ee nagu dhow, 24-kii saac ee lasoo dhaafay waxaa Isbitaalka Baraawe aan dhignay dad badan oo cudurkaan uu soo ritey, waxaana wadnaa dedaal ku aadan sidii loo daryeeli lahaa dadkaan” ayuu yiri Bashiir Maxamed.

Cudurka Shuban biyoodka ayaa horey uga jirey deegaanno badan oo dalka ah, waxaana deegaannada qaar uu cudurkaan sababay iney dhintaan dad badan.

Dhanka youtube ka

 https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.