Home Afsomali Dhageyso Somaliland Xamar yaan la tagin amaankiisu ma sugnee

Dhageyso Somaliland Xamar yaan la tagin amaankiisu ma sugnee

Maamulka iskii isku Magacaabay ee Somaliland ayaa shacabka beelaha ka soo jeeda degaanada waqooyi ee dalka  uga digay in ay u soo safraan magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

War ay soo saartay Somaliland ayaa waxa ay ku sheegtay in ay sii kordhayaan qataraha amni daro ee ka jira Koonfurta Soomaaliya iyo dilalka loo geysanayo dadka ka soo jeeda degaanada Somaliland.

Afhayeenka Madaxtooyada maamulka Somaliland Xuseen Aadan Cige (Deyr) oo saxaafada la hadlay ayaa Ganacsatada Somaliland iyo shacbka uga digay in ay u soo safraan Muqdisho, maadaama uu sheegay in ay amni daro ka jirto.

Wuxuu sheegay dad ka soo jeeda Somaliland in lagu dilay magaalada Muqdisho, sidaasi awgeedna ay xukuumada uga digeyso shacabka Somaliland in ay u safraan Muqdisho.

Dhinaca kale Xuseen Aadan Cige (Deyr) Afhayeenka Madaxtooyada maamulka Somaliland ayaa sheegay in ay si wanaagsan u dhacday qaadashada kaararka aqoonsiga ah ee loogu tala galay Doorashada Somaliland.

https://youtu.be/0XR_sO1gw50

Dhanka youtube ka

 https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.