Home Afsomali Dhageyso Atoore Bashiir Barre oo Noqday Masxbuuskii 3aad oo daryeel la.aan...

Dhageyso Atoore Bashiir Barre oo Noqday Masxbuuskii 3aad oo daryeel la.aan ugu geeriyooday Xabsi ku yaal dalka Hindiya

Qaar ka mid ah Maxaabiista Soomaaliyeed ee ku xiran dalka Hindiya ayaa saxaafada u xaqiijiyay in mid ka mid ahaa dhalinyaraddii Xabsi ku jirtay uu geeriyooday ka dib markii ay soo wajaheen xanuuno kala duwan iyo Daryeel la.aan .

Muwaadinka Soomaaliyeed ayaa ka mid ahaa dhalinyaradda dowladda Hindiya ay ku eedeysay in ay ka tirsan yihiin Kooxaha Burcadbadeeda Soomaalida, waxaana muddo sanado ah uu ku xirnaa dalkaasi.

Wiilka geeriyooday ayaa lagu magacaabi Jiray Atoor Bashiir  Barre , waxaana la sheegay in uu qabay cudurada Sonkorta iyo sidoo kale tiibeyda.

Waa Maxbuuskii Saddexaad oo ka geeriyooda  Maxaabiis Soomaaliyeed ee ku Xiran Xabsiyadda dalka Hindiya.

Horay ayaa la xaqiijiyay in ay dhinteen labo ka mid ah Maxaabiista dowladda Hindiya ay u heysato Falalka Burcadbadeednimo.

Dalka India ayaa waxaa ku xiran dhalinyaro Soomaaliyeed oo gaareysa 118, waxaana dowladda Soomaaliya ay ku howlan tahay sidii dhalinyaradaasi Muqdisho loo keeni lahaa.

Hoos ka dhageyso Codka 

https://youtu.be/0XR_sO1gw50

Dhanka youtube ka

 https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.