Home Afsomali Dhageyso Cododka Qaar ka mid ah Xujeyda Soomaalida ee Ku sugan Goobaha...

Dhageyso Cododka Qaar ka mid ah Xujeyda Soomaalida ee Ku sugan Goobaha Cibaada ee Maka iyo Madiina iyo Qiimaha Wadamada qaar oo Hooseeyo

XAJKA MAXAA INAGA HORTAAGAN INEEYNU GUDANO ?

Qiimaha xajka

#suudaan $900

#masar waa $800

#naigeria waa$ 1200

#jabuuti waa 400

#Somalia waa $3800

Hadii arinkaasi dhab yahay waxaan ku talin lahaa umada ha loo naxariisto oo yaan meel kasta ganacsigu inaga galin.

Maqaalkii ugu danbeeyay ee taxanaha ahaa, kuna iftiimiyay dulmiga iyo xishood la’aanta lagu haayo dadka Soomaaliyeed ee rabba in Alle ugu dhowaadaan soo gudashada mid ka mid ah tiirarka Islaamka oo ah waajib qofkii awooda laga rabo inuu soo guto waajibka alle saaray ee ah Xajka. Dad bada oo mas’uuliyiin mansab sare iyo xilal kala duwan ka haaya dowladda oo hadda uun soo baraarugeen, kuwaasii u istaagay in ay ka fal celiyaan dhibaatada soo jirtay ee shirkaddaha macaash ka raadiska soo gudahashada waajibkaadka alle u taagnaa mudo sanado ah.

Markii baraha bulshada iyo shabakaddaha warbaahineed si indha la’aan u qaateen qormadii u hiilinta dulmanayaasha Xajka ee cinwaankeedu ahaa “Isbaarada Loo Dhigtay Soomaalida Xajka Soo Gudaneyso Mala Qabaan Muslimiinta Kale?” laguna soo aadiyay maalmo ka hor intii aysan bilaabin shirkadda Jubba Airway duulimaadkii u horeeyay ee xujeyda ayaa dad badan oo xujeyda sanadkaan shirkadda Jubba Airways lacagta waalida ah ka qaadatay nala soo xiriiray kuwaasi oo nala wadaagay hab dhaqanka iyo balan qaadyada afka baarkiisa ah kuna dhisan bent ee shaqaalaha shirkadda iyo sida bahdilaada ah ula dhaqmaan, waxaase haboon in arrimahaasi kaga hadalno qormooyinka taxanaha ah ee danbe.

Shirkadda kaliya ee adeega fiisaha xajka bixisa oo ah Jubba Airways, oo qandaraaskaasi iyadu u xiran, dowladdii hore ee Xasan Sheekh-na ka haysata ruqsad aan dib loo cusbooneysiin, waxayna Xaajigii soo xajinaayo waajib ugu dhigtay shuruudo adag oo ka mid ah inuu bixiyo lacag ku dhow 4,000 dollar oo isugu jirta soo saarista fiisaha iyo adeegyada kale ee kala ah, qiimaha tigidhka diyaaradda, soo saarista Fiisaha, Safarka Makka ilaa Madiina, Jiifka iyo guryaha Makka iyo Madiina oo xujeydii horay usoo xajisay iyo kuwa hadda baxay ay kala kulmeen jirooyin ka dhashay kululka guryaha iyo dadka oo koox koox qolalka lagu xareeyo iyo adeegyo kale oo ay shirkadda iyadu sameysatay.

Waa ayaandaro in nidaam xumida dalka ka jirta in habkaasi loola dhaqmo martida dooneysa inay alle ugu dhawaadaan fulinta waajibkii uu saaray, Ganacsato Soomaaliyeed ay macaash ka raadiyaan, iyadoo la og yahay in fiisaha xajka lagu soo saaro lacag la’aan maadaama camal cibaado loo socdo,howshaasina iska kaashaday ganacsato sameystay shirkaddo ay ka mid tahay Jubba Air Airways iyo Daallo oo markii danbe midoobay.

Waxaase intaas kasii daran in ganacsataha iska leh shirkaddaasi oo lagu magacaabo Saciid Nuur Giriish uu ka mid yahay mudanayaasha baarlamaanka Somalia, shacabkana ku madalaya hay’adda sharci dejinta iyo sida ay isu keeneyso inuu shacabka Soomaaliyeed ku madalo baarlamaanka oo ah hay’adda ugu sareysa dalka iyo in isbaaro cilmiyeysan uu u dhigto dadka Soomaaliyeed ee uu madalo ee doonaya in alle u dhawaadaan.!

Sababta uu Xildhibaan Saciid Nuur Gariish u galay baarlamaanka Somalia ayaa ah sidii uu ganacsigiisa ugu difaacan lahaa iyo xasaanad uu hantidiisa ku ilaalsanayo, helitaanka kursigaasina uu kaga mid yahay rag ganacsato ah oo dhaqaale xad dhaaf ah ku bixiyay in la doorto sida Caddow Cali Gees.

Cabasho badan oo jirta awgeed waxaa haboon in hay’addaha dowladda gaar ahaan cida ay quseyso howshaan in dib u eegis lagu sameeyo nidaamka dhaca iyo isbaarada dahsoon ee hortaagan $4,000 in kumanaan Soomaaliyeed kasoo xajiyaan dalka.

Xaajiga ku nool Jabuuti, Itoobiya iyo Kenyatiga lama mid ahan kan Soomaaliga, wuxuuna waajibkiisa kusoo gutaa si sharaf iyo nidaam ku dheehan, taasoo u sahashay dowladdiisa iyo la xisaabtanka dalka ka jira. Laxase rajeynayaa in wixii hadda ka danbeeya umadda Soomaaliyeed la mid noqdaan asaagooda, Wasaaradda arrimaha diinta iyo awqaafta ee arrimahaan u xil saarana waxaa laga filayaa in cunaqabateynta shacabka Soomaaliyeed saareen mas’uuliyiin ku jira dowladda dib u aegis ku sameyso, walow ay adag tahay in sanadkaan iyo sanadaha soo socda wax laga qabto.

Qormadaan tan xigta waxaa idiin kugu soo gudbineynaa, nolosha xujeyda marka Sacuudiga tagaan, xadgudubyada iyo dhibaatada ay shirkadda Jubba Airways kala kulmaan xujeyda xayeysiisinta laga sii daayo idaacaddaha iyo telefishinada run moody ee Xildhibaan Saciid Nuur Giriish lacagta ku bixiyo.

https://youtu.be/0XR_sO1gw50

Dhanka youtube ka

 https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.