Home Afsomali Dhageyso Diyaaradaha Dagaalka ee Mareykanka oo Dumeymo Ku laayey dad badan oo...

Dhageyso Diyaaradaha Dagaalka ee Mareykanka oo Dumeymo Ku laayey dad badan oo shacab ahaa Kuwaas oo deganaan Meel aan ka fogeyn deegaanka Bariire ( DAAWO SAWIRADA )

Cali Nuur Maxamed oo ah guddoomiye ku xigeenka gobolka Shabeellada Hoose ee dhinaca amniga,aya sheegay in duqeyntas lagu dilay 9 Qof oo isugu jir Caruur iyo dad waaweyn.

Waxa uu hadalkiisa intaas ku daray in duqeyntas ay si qalad ah ku dhacday islamarkaana Saraaakiisha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya ee ku sugan Bariire an lala socodsiin duqeyntaas./

Meydadka illaa 10 ruux oo isku qoys ahaa, ayaa la gaarsiiyey Magaalada Muqdisho kuwaasoo saaka waabarigii ay ciidamo Mareykan ah ku dileen agagaarka deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Meydadkan ayaa saxaafada loogu soo bandhigay Isbitaalka Madiina, waxaana ku jiray labo carruur ahaa, iyada oo loo soo bandhigay magacyadooda.

Ciidamo Mareykan ah oo ay wehliyeen Ciidamo Soomaali ah ayaa la sheegay in saaka howl gal ay ku qaadeen dhul beeraley ah oo ku dhow Bariire, halkaasoo dadkan ay ku Dhinteen , wararka qaar ayaa sheegaya in dadkan ay ka soo jeedeen Hal qoys.

Somali National Army conducted security operation near Bariire

The Somali National Army, under the direction of Chief of Defense Forces General Ahmed Mohamed Jimaale, and our international partners conducted a security operation early on August 25 near Bariire, Lower Shabelle that resulted in the deaths of eight al-Shabaab terrorists. Our security forces go to great lengths to prevent civilian casualties during all of our activities. No civilians were harmed or killed in this operation.

SNA General Sheegow (20th Brigade Commander) said, “The SNA carried out an operation this morning against a farm in Bariire with known al-Shabaab presence. Al-Shabaab started shooting at SNA forces after our soldiers entered the farm. The individuals shooting at the SNA soldiers were al-Shabaab fighters; they were not farmers. We talked to the farmers in the area and instructed them to put their weapons in their homes to avoid confusion.”

In addition, Lower Shabelle Governor Ibrahim Ali noted, “The farm in Bariire was an al-Shabaab camp. The individuals killed during the fight were al-Shabaab fighters.”
END

Ministry of Information, Culture & Tourism
media@moi.gov.so

Deegaanka Bariire ka geesteen Ciidamo Maraykan ah iyo Ciidamada Gaarka u tababaran ee Soomaaliya.

Weerarka ayaa ka dhacay duleedka deegaanka Bariire ee gobalka Shabeelaha Hoose waxaana la sheegay in ay ku dhinteen dad badan oo shacab ah sida ay saxaafada u xaqiijiyeen Mas’uuliyiinta gobalka.

Saraakiil ka tirsan maamulka Gobalka Shabeelaha Hoose ayaa sheegay in Ciidanka ay weerarka ka fuliyeen dhul beereed ku teetsan degaanka Bariire ee gobolka Shabeellaha Hoose waxa ayna halkaasi ku dileen ugu yaraan 10 qof oo shacab.

Sidoo kale dadka degaanka ayaa sheegay dhammaan dadka la laayay in ay ahaayeen shacab, aan waxba galabsan, waxaana dadka la laayay ay ahaayeen dhamaantood rag.

Ilaa iyo hadda lama oga sababta loo beegsaday beeraleyda balse Ciidamada dowladda iyo kuwo Mareykanka ah ayaa degaanka Bariire ee jiinka wabiga Shabeelle dhaca waxaa ay ka qabsadeeen Al-Shabaab.

Ciidamada Maraykanka ayaa sidaan oo kale 10 cesho ka hor deegaanka Shiikh Axmed yare ee duleedka Magaalada Jilib ee gobaka Jubada dhexe ku dilay 7 qof oo shacab waxaana soo badatay beegsiga Shacabka ay u geysanayaan Ciidamada Maraykanka.

Waa dhacdadii labaad oo dad rayid ah ay ku xasuuqaan Ciidamo Mareykan ah oo howl gal ka fulinaya Koofurta Soomaaliya, waxaana todobaad ka hor ay aheyd markii illaa 7 ruux lagu dilay deegaan u dhow Jilib, halkaasoo diyaarado laga leeyahay Mareykanka ay duqeeyeen.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.