Agaasimaha Rugta ganacsiga Cabdi Abshir Dhoore oo Shir jara’id ku qabtay Xarunta ay Muqdisho ku leeyihiin ayaa si deg deg ah ugu hadlay Qoraal ay soo saartay Wasaaradda Ganacsiga Xukuumadda Soomaaliya oo ahaa in la kala diray Rugta.
Agaasimaha ayaa sheegay in arrintan ay goor dhow maqleen, waxaana uu tilmaamay in haba yaraatee aysan jirin wax wargalin ah oo ay Wasaaraddu la soo sameysay Mas’uuliyiinta Rugta Ganacsiga Somalia.
“Rugta Ganacsiga Somalia waxaa ay ka mid tahay Bulshada rayidka, mana ahan hay’ad ay dowladda leedahay oo wixii ay dowladda rabto ay ka sameysan karto” ayuu yiri Agaasimaha Rugta Ganacsiga Cabdi Abshir Dhoore.
Sidoo kale waxaa uu heegay in Rugta Ganacsiga markii Madaxdeeda la dooranayay ay Goobjoog ahaayeen Wasiiro ka tirsan Xukumadda oo uu ku jiray Wasiirkii hore ee Ganacsiga iyo Warshadaha ee Xukumadda Somalia, Ra’isul wasaarahana uu aqoonsan yahay .
“Waxaa layaab nagu noqotay Rugtii Ganacsiga oo ay xukumaddii aqoonsaneyd in hadda uu Wasiirka Ganacsiga soo saaro Wareegto sheegeysa in aysan aqoon saneyn Rugta ,anagana waxaa qasab nagu noqtay in aan ka jawaabno Warkaas”ayuu yiri Agaasime Cabdi Abshir Dhoore.
Agaasimaha ayaa sidoo kale sheegay in ay fiicnaan laheyd in Rugta ganacsiga iyo Wasaaradda ganacsiga ay ka wada hadlaan arrintan, inta aan Wareegtadan la soo saarin, kaliya anaga waxaan u baahanahay Wada shaqeynta aan la leenahay xukumadda, laakiin waxaan idiin sheegayaa in Rugta Ganacsiga ay tahay mid ka madax banaan dowladda ,maxaayeelay waxaan ka tirsan Ururada Bulshada rayidka “ ayuu Shirkiisii Jara’id ku yiri.
Agaasimaha Rugta Ganacsiga ee Soomaaliyaa Cabdi Abshir Dhoore ayaa Wariyeyaasha u sheegay ka hor inta aysan qaban Shirka Jara’id in ay ka shirayeen Dhismooyin ay Rugta ganacsiga ku sameyneyso Wadooyin Muhiim ah, kuwaas oo laga sameynaayo Wado gasha Hobyo, midda aadaa Bari iyo Wadada dheer ee isku xirta Afgooye iyo Muqdisho.
Ugu dambeyn Agaasimaha Rugta Ganacsiga ayaa saxaafada u soo bandhigay warqad ka soo baxday Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo lagu aqoonsanayo Rugta Ganacsiga Soomaaliya oo bishii March ee sanadkan Guddoomiyaheeda Maxamed C/kariin Gabeyre dib loo doortay.
https://youtu.be/ja2jyKam9BI
Dhanka youtube ka
https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view