oraal kasoo baxay Rugtii Ganacsiga iyo Warshadaha ee dhawaan kala dirtay Wasaarada Ganacsiga iyo Warshadaha ayaa wax ka bedeshay mowqifkooda, iyagoona ogolaaday Go’aanka kasoo baxay Wasaarada ee lagu baabi’iyay jiritaankooda.
Barta Facebook ku leeyihiin Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha ee lakala diray ayey ku sheegeen in ay ogolaadeen Go’aankii Wasaarada kasoo baxday, waxa ay sidoo kale ogolaadeen in la qabto doorasho loo dhan yahay oo lagu dooranayo hogaanka Rugta Ganacsiga.
Qoraalkan kasoo baxay Rugtii Ganacsiga iyo Warshadaha ayaa kusoo aadaa xili dhawaan Wasaarada Ganacsiga iyo Warshadaha ay baabi’isay jiritaanka Rugta ganacsiga kadib khilaaf soo kala dhax galay ganacsatada Soomaaliyeed.
Halkan ka Akhriso Qoraalka lasoo dhigay Bogga Rugta Ganacsiga :
#War_Murtiyeed: Mowqifka Rugta ee Ku Aadan Go’aankii Wasaaradda Ganacsiga & Warshadaha.
Si looga fogaado khilaaf dhex mara madaxda sare ee Dowladda iyo xiisad ka ka dhex dhalataa, si aan ugu tanaazulno ganacsatada walaalaheena ah ee inaga cabanayo una qancino, si aan u muujino dimuquraadiyad iyo is ogolaansho, waxaanu garawsanay inaan ogalaano mowqifka Wasaaradanada ka gaartay dhismaha Rugta Ganacsiga ee haatan isla markaana waxaan ogolnahay in guddiyo farsamo la saaro doorashana loo diyaar garoobo.
Dhanka youtube ka
https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view