Home Afsomali VIDEO Banaanbaxayaal dowlada iyo Barlamaanka ka dalbaday in la sii daayo Qalbi...

VIDEO Banaanbaxayaal dowlada iyo Barlamaanka ka dalbaday in la sii daayo Qalbi dhagax iyo Siro ay Soo Bandhigeen

Khadro Maxamed Cabdi oo ah Xaaska Cabdikarim Muuse(Qalbi-dhagax) ayaa ku eedeesay Madaxda ugu sareysa dowlada Soomaaliya in ay gacan weyn ku lahaayeen dhiibista Seygeeda oo loo gacan galiyay Sirdoonka Itoobiya.

Waxa ay sheegtay Marwo Khadra in masuul ka ahaayeen in Qalbi Dhagax loo dhiibo Itoobiya Madaxweyne Farmaajo, R/Wasaare Kheyre , Sanbaloolshe iyo Gudoomiyaha gobolka Banaadir Thaabit oo ay sheegtay in uu horey usii raacay Diyaaradii qaaday Qalbi Dhagax.

”Cabdikarim Muuse waa la iibsaday , Itoobiya ayaa loo gacan galiyey Adis ababa ayaa laga dejiyey, Gudoomiyaha gobolka Banaadir Thaabit ayaa raacay Diyaaradii qaaday ayaa nalku yiri, ayey tiri Xaaska Qalbi Dhagax oo la hadashay Idaacada Goobjoog.

Xaaska Qalbi Dhagax ayaa meesha ka saartay wararka sheegaya in seygeeda isku dhiibay Dowlada Itoobiya, waxa ayna tilmaantay in si qasab ah loogu gacan galiyay dowlada Itoobiya uu la dagaalamayay mudo 40-sano ah.

Waxa ay ugu baaqday Madaxweynaha iyo R/Wasaaraha in dib usoo celiyaan xuriyadiisa Qalbi dhagax oo hada gacanta ugu jira Sirdoonka Itoobiya, waxa sidoo kale ugu baaqday Baarlamaanka Somalia in mooshin ka keenaan Madaxda sare hadii aysan Qalbi dhagax Xuriyadiisa usoo celin.

“Waxaan ugu baaqayaa madaxweyne Farmaajo iyo Kheyre in Cabdikariim xuriyaddiisa ay dib ugu soo celiyaan, gacanta Itoobiyana haka soo bixiyaan meeshii laga wadayna ha keenaan, ” Ayey Tiri Marwo Khadra.

Ugu Dambeyn Xaaska Qalbi Dhagax ayaa ugu baaqday bulshada Soomaaliyeed in ay sii wadaan kacdoonka ka dhashay dhiibista Qalbi Dhagax , waxa ayna sidoo kale Xildhibaanada labada Aqal ugu baaqday in tilaabo deg deg ah qaadaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.