Home Afsomali Dhageyso Warsaxaafadeedka gudiga doorashooyinka dib u dhacay ku yimid

Dhageyso Warsaxaafadeedka gudiga doorashooyinka dib u dhacay ku yimid

abuukaate-cumar-maxamed-cabdulle

Cumar Cabdulle  Cumar Dhageey  oo ah Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Dadban ee Soomaaliya oo Shir jiraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa ku dhawaaqay in Doorshada Soomaaliya ay Dib u dhacday.

Guddoomiye Cumar Dhageey ayaa sheegay in ay soo saareen Jadwal Cusub oo dhanka Doorshooyinka ah,maadaama kii hore uu Dib u dhac ku yimid.

Doorashada Xubnaha Aqalka Sare ayaa la sheegay in ay dhici doonto ugu dambeyn  5-ta  Bisha October,Doorashada Xildhibaanada Soomaaliya waxaa Guddigu uu u asteeyay in ay dhacdo  23-ka Bisha October  ilaa 10-ka November , Doorshada Guddoonka Labada Aqal waxaa iyana loo qorsheeyay 23-ka November.

Doorashada Madaxweynaha  Soomaaliya waxaa Guddigu uu shaaciyay in ay dhici doonto 30-ka November.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa horay u sheegay in Doorashadu aysan ka dib dhaceyn xilligii horay loogu Heshiiyay ee ahaa in ay dhacdo Doorashada Madaxweyne 30-ka October.

Jadwalkaan Cusub ee Guddiga Doorashooyinka Dadban ay soo saareen lama oga Musharaxiinta Xilka Madaxweyne iyo Xisbiyada Mucaaradka waxa ay ka dhihi doonaan.

3 COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.