Cumar Cabdulle Cumar Dhageey oo ah Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Dadban ee Soomaaliya oo Shir jiraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa ku dhawaaqay in Doorshada Soomaaliya ay Dib u dhacday.
Guddoomiye Cumar Dhageey ayaa sheegay in ay soo saareen Jadwal Cusub oo dhanka Doorshooyinka ah,maadaama kii hore uu Dib u dhac ku yimid.
Doorashada Xubnaha Aqalka Sare ayaa la sheegay in ay dhici doonto ugu dambeyn 5-ta Bisha October,Doorashada Xildhibaanada Soomaaliya waxaa Guddigu uu u asteeyay in ay dhacdo 23-ka Bisha October ilaa 10-ka November , Doorshada Guddoonka Labada Aqal waxaa iyana loo qorsheeyay 23-ka November.
Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya waxaa Guddigu uu shaaciyay in ay dhici doonto 30-ka November.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa horay u sheegay in Doorashadu aysan ka dib dhaceyn xilligii horay loogu Heshiiyay ee ahaa in ay dhacdo Doorashada Madaxweyne 30-ka October.
Jadwalkaan Cusub ee Guddiga Doorashooyinka Dadban ay soo saareen lama oga Musharaxiinta Xilka Madaxweyne iyo Xisbiyada Mucaaradka waxa ay ka dhihi doonaan.
Ahmed Sheikh Hassan liked this on Facebook.
Mohamed Bashir Hashi liked this on Facebook.
Eng Yoonis Ahmed Qarwac liked this on Facebook.