Home Afsomali Dhageyso Goobjooge ka sheekeeyey Qasaaraha ka dhashay qaraxii ismiidaaminya ahaa ee Baladweyne

Dhageyso Goobjooge ka sheekeeyey Qasaaraha ka dhashay qaraxii ismiidaaminya ahaa ee Baladweyne

Magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa waxaa maanta ka dhacay Qarax Ismiidaamin ah.

Qaraxa ayaa waxaa geystay ruux isku soo xiray waxyaabaha Qarxa, waxaana uu ka dhacay Afaafta hore ee xarunta maamulka gobolka Maqaayad ku taalla.

Goobta uu Qaraxu ka dhacay ayaa waxaa ku sugnaa dad badan.

Duqa Magaalada Baledweyne Cali Dhuux Cali Mahad Alle oo la hadlay Idaacadda Risaala ee Magaalada Muqdisho , waxaa uu sheegay in Qaraxaasi ay ku dhinteen 2 qof sidoo kale ay ku dhaawacmeen ku dhawaad 10 qof oo Shacab ah.

Ku dhawaad 10 qof oo dhawaac ah ayaa la geeyay Isbitaalka Magaalada Baledweyne sida ay xaqiijiyeen dadka ku sugan Baledweyne.

Wariyayaasha ku sugan Baledweyne ayaa xaqiijiyay in Qaraxaasi dadka ku dhaawacmay ilaa iyo hadda laga yaqaan wariyeyaal ay ka mid yihiin C/Shakuur Maxamed oo u shaqeynayay Idaacadda Starfm iyo Saabtv, C/Qaadir Cumar Ibraahim RTN iyo Simba iyo Cabdullahi Cismaan Macallin Jubaland TV  iyo codka hiiraan.

Hoos ka dhageyso codka Goobjoogsha

Dhanka youtube ka

 https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.