Home Afsomali Aan ka mahad celiyew Imisaa ku baxday dhismaha suuligaan

Aan ka mahad celiyew Imisaa ku baxday dhismaha suuligaan

Aan ka magadceliyew Imisaa ku baxday dhismaha suuligaan Ka Mahadcelin Musqul qaali ah.

Masuulkii isaga oo ku hadlayo Magaciisa Sharafta leh, Magaca ummadda Somaliyeed waxa uu u mahadcelinayaa. Walaalaheena Deeq Bixiyayaasha, Hayadaha Samafalka iyo Saaxiibada Caalamiga ah, sida mar kasta ey ula Garab taagan yihiin ummadda Somaliyeed Mashaariicda Horuumarineed oo ey ka midka yihiin.

1. Dugsiga Wax barashada ee Teendhada ah ee laga dhisay duleedka Magaalada Gaalkacyo. Sida ka muuqato Tabeelaha sare waxaa iska kaashaday dhismaha Dugsigaan, 4 Hayadood oo Caalamiya.( F.S: 1aad)

2. Suuli-gaan ” Musqushaan” oo qeyb weeyn ka qaadaneyso Horuumarinta Caafimaadka Bulshada, waxaa dhismaheeda ka qeyb qaatay Labad Hayadood oo ka mid ah Deeq bixiyayaasha Caalamiga ah sida ka muuqato Calaamadooda.( F.S: 2aad)

Qofka Somaliga ah ee Musqushaan loo dhisay in uu ku Saxarooda waxa uu isticmaalaa Mobile ” i phone 14″ ah.

Deeq bixiyayaasha waxaan uga mahadcelineynaa Mashaariicdaa oo ey ku baxday Mallaayiin Dollar, ayuu Hadalkiisii ku soo gabagabeyay Masuulkii.

( Xoola yaro miyaa na heeyso, mise xis la’aan? )

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.