Abiy Ahmed:- Markuu xal u waayay Colaadaha dalkiisa Ka Aloosan, ayuu go’aansaday In uu itobiyanka galiyo dagaal dibadda ah — gaar ahaan Somaaliya ama wadamada dariska la ah. Wuxuu Shalay baarlamaanka dalkiisa Ka hor Sheegay In ay itobiya waajib tahay in ay qabsato Xeebaha badaha Indian Ocean Iyo red sea: Wuxuuna aad ugu dheeraaday in dadkiisuu waayo hore lahaan jireen xeebahaas Laakiin lagasoo kiciyay.
Itobiya ayaa Samaysatay — Kumanaan Ciidamada Badda ah iyadoo Sannadkii 2020 maraakiib ka iibsatay dalka shiinaha. Walow damacan itobiya jiray Taniyo Xilli aad u dheer Ka hor haddana waxaa Arrinkan dabada hadda uga riixaya Abiy Ahmed oo doonaya in uu dagaallada dalkiisa aha u raro dibadda si uu cadaw bannaanka ah ugu sameeyo Qoomiyadaha Itobiya oo is-cunaya Kuwaasoo ay sababta Farqiga iyaga u dhexeeya ( in Kala Diin, Kala dhaqan Iyo kala taariikh yihiin).
Midkalle baa iyaduna jirta, Waddamada Ree galbeedka oo muddo dheer Isku hayay Qoomiyadaha Itobiya ayaa rabashadahii 2017 ee TPLF xukunka lagaga tuuray isoo jeediyay xilligaas itobiya in xalka itobiya yahay in Qoomiyadaha is-raaci karaba Dal gaara loo sameeyo Laakiin Dawladda Israail ayaa Arrinkaas gaashaanka u daruurtay.