Home Afsomali Somali National ID Card waxqabakeeda maxaa kala socotaa

Somali National ID Card waxqabakeeda maxaa kala socotaa

Sannadkii 2017 ayuu soo bilaabmay mashruuc balaaran oo loogu talo galay in Soomaaliya loogu sameeyo National ID Card, mashruucaas ayaa Bishii May ee sannadka 2021 waxaa ku guulaysatay Shirkada NADRA ee dalka Pakistan oo ah Shirkadaha ugu waaweyn ee dhanka samaynta National ID-Cards iyo ilaalinta xoggaha. Mudadii uu mashruucan laga shaqaynayey waxaa wakhti badan galiyey Agaasimihii hore ee Madaxtooyada Dr. Nuur Diiriye (Fuursade) oo mashruucan muddo gacanta ku hayey.

Ka dib markii ay NADRA ku guulaysatay mashruucan waxaa lacagta ku baxaysa oo dhan 14 Milyan oo Dollar ee Dawladda Pakistan ugu deeqday Soomaaliya si toosa ay Pakistan ugu wareejisay NADRA. oo 4 Milyan oo lacagtaas ka midda hadda kusoo wareejisay Dawladda Soomaaliya, halka 10 mIlyan ee dhimana ay dawladda Pakistan bixin doonto marka uu mashruucu si toosa u bilaabmo.

Ra’iisal Wasaarihii hore Xasan Cali Khayre ayaa 6 July 2020 u magacaabay Mukhtaar Xuseen Maxamed (Qooraansay) Maareeyaha Ha’yadda Aqoonsiga Qaranka, taas oo ah Ha’yad ka madax banaan Wasaarada Arrimaha Gudaha. Haddaba waxaa Septamber sannadkan Soomaaliya soo gaaray khubarada NADRA Pakistan oo ka shaqaynaysay fulinta Mashruuca samaynta Aqoonsiga Qaranka.

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS Axmed Macallin Fiqi iyo Wasiirka Ba’da Khadiijo Al Makhsumi ayaa mashruucii Aqoonsiga Qaranka waxay u weeciiyeen shirkad Logistic ka shaqaysa oo fadhigeedu yahay Nairobi, Kenya, oo lacag badan ku baxayso, lana soo jeediyey in Dawladda Soomaaliya bixiso dhaqaalaha ku baxaya, qorshuhuna yahay in Card walba lagu yeesho khidmad lacageed.

Sannadkii 2017 ayuu soo bilaabmay mashruuc balaaran oo loogu talo galay in Soomaaliya loogu sameeyo National ID Card. Mudadii uu mashruucan laga shaqaynayey waxaa wakhti badan galiyey Agaasimihii hore ee Madaxtooyada Dr. Nuur Diiriye (Fuursade) oo mashruucan muddo Aqoonsiga Qaranka gacanta ku hayey.

Si haddaba mashruucan Aqoonsiga Qaranku u meel maro oo u noqdo mid miro dhala ayey dawladda Soomaaliya waxay dawladda Pakistan weydiisatay deeq lacageed oo dhan 14 Milyan oo Dollar si Mashruuca Aqoonsiga Qaranka loogu hawlgaliyo. Bishii May ee sannadka 2021 waxaa ku guulaysatay Shirkada NADRA ee dalka Pakistan oo ah Shirkadaha ugu waaweyn ee dhanka samaynta National ID-Cards iyo ilaalinta xoggaha. Ka dib markii ay NADRA ku guulaysatay mashruucan waxaa lacagta ku baxaysa oo dhan 14 Milyan oo Dollar ee Dawladda Pakistan ugu deeqday Soomaaliya si toosa ay Dawladda Pakistan ugu wareejisay NADRA.

Ra’iisal Wasaarihii hore Xasan Cali Khayre ayaa 6 July 2020 u magacaabay Mukhtaar Xuseen Maxamed (Qooraansay) Maareeyaha Ha’yadda Aqoonsiga Qaranka, taas oo ah Ha’yad ka madax banaan Wasaarada Arrimaha Gudaha. Haddaba waxaa Septamber sannadkan Soomaaliya soo gaaray khubarada NADRA Pakistan oo ka shaqaynaysay fulinta Mashruuca samaynta Aqoonsiga Qaranka.

Hadda Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS Axmed Macallin Fiqi iyo Wasiirka Ba’da Khadiijo Al Makhsumi ayaa mashruucii Aqoonsiga Qaranka u weeciiyeen shirkad Ganacsato Soomaali ahi leeyhiin oo Logistic ka shaqaysa oo fadhigeedu yahay Nairobi, Kenya, ganacsatadaas oo raba in ay maalgalin ku sameeyaan si Share balaaran ugu yeeshaan, laguna weerijo dhammaan xoggaha guud ee Qaranka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.