Home Afsomali Abwaan guure oo Noqday Maareeyaha Tiyaatarka Qaranka Shaqo Wacan ayaa Bulshadu...

Abwaan guure oo Noqday Maareeyaha Tiyaatarka Qaranka Shaqo Wacan ayaa Bulshadu uga fadhidaa

Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa Xarunta Golaha Murtida iyo Madadaalada ee Tiyaatarka Qaranka oo ka mid ah Xarumihii ku bur buray dagaaladii sokooye ee Qaranka waxa ay u Magacaawday maareeye Cusub.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta ahna sii haya xilka Wasaaradda Cabdiraxmaan Iidaan Yoonis ayaa sheegay in Maareeyaha Tiyaatarka Qaranka loo Magacaabay Abwaan Cismaan Cabdullaahi Guure sidoo kalena Maareeye ku xigeen loo Magacaabay C/Kariin Faarax Qaarey.

Sidoo kale waxaa Tiyaatarka laga bedelay Magacii hore ee ahaa Golaha Murtida iyo Madadaalada loona bedelay Magaca Golaha Murtida iyo Wacyigelinta.

Abwaan guure ayaa ah Agaasimaha CusubĀ  waxaana hadda uu bedelay Maareeyihii hore ee Tiyaatarka Qaranka Abwaan Cabdi-Dhuux Yuusuf.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.