Alshabaab gabadha Silvia Romano waxay inoo aheyd Badeecad la inaga Gorgorinaayey 18 Bilood
Afhayeenka Al Shabaab: “Lacagta madaxfurashada Silvia waxaa lagu maalgaliyo jihaad”
wareysi lala yeeshay Afhateenka alshabaab Ali Dehere, oo ka tirsan ee afduubay Silvia ee samafalka u joogtay kenya
Silvia Romano waxay noo ahayd badeecad qaali ah annaga ka dibna waa ku kala baxnay, anaguna Al Shabaab waxaan xushmad weyn u haynaa haweenka “. Waxaa mahad leh siyaasi ka socda Muqdisho oo nagu garabsiiyey in aan inaan Qadka ku helno Cali Dheere, oo ah af-hayeenka Al Shabaab oo mas’uul ka ah dhowr iyo toban weerar oo argagax leh oo ay Soomaaliya ku dhibaateynaysay shan iyo toban sano. Adigoo ku hadlaya magaca ururkaaga ..
Afhayeenka Al-Shabaab ayaa wareysi uu teleefonka ku siiyey wargeyska La Repubblica ee dalka Talyaaniga uga hadlay lacagtii madax-furashada ee ay ku qaateen sii-deynta Silvia Romano iyo sida ay ku islaamtay.
Cali Dheera ayaa sheegay in lacagtaas loo adeegesan doono in lagu maal-geliyo “jihaadka”.
“Lacagta waxaa loo adeegsan doonaa in qeyb ahaan lagu soo iibiyo hub, taasi oo aan u baahannahay si aan u fulinno jihaadka,” ayuu yiri.
“Inta kale ee lacagta kasoo harta waxaa lagu maamuli doonaa dalka: waxaa lagu bixin doonaa iskuullada, waxaa lagu iibin doonaa cunooyin iyo dawooyin la siinayo dadkeena, waxaa lagu tababari doonaa boliiska ilaaliya kala dambeynta iyo dhaqan-gelinta shareecada qur’aanka.”
“Al-Shabaab waxay leedahay nidaam la macaamila inuu keeno lacag lagu wado shaqooyinka ururka, taasi oo kadibna dib loogu qeybiyo dadka Soomaaliyeed. Waa hay’addan tan maamusha ilaha dhaqaale ee kala duwan ee ururka,” ayuu yiri.
Waxa uu sidoo kale sharaxaad ka bixiyey sababta ay si wanaagsan ugula dhaqmeen Silvia.
“Silvia waxay noo aheyd agab aan ku gorgortonno. Waxay sidoo kale ahayd haweeney, anagana haddaan nahay Al-Shabaab xushmad weyn ayaan u haynaa haweenka,” ayuu yiri afhayeenka Al-Shabaab.
“Waxaan sameynay wax kasta oo aan awoodno si aynan dhib u gaarsiin, sababtoo ah Silvia waxay ahayd la-hayste ee ma ahan maxbuus dagaal. Maxaabiista dagaalka waxaan ku wareejinaa ciidamada, si la mid ah waxa ay sameeyaan ciidamada Soomaaliya marka ay qabtaan askari Al-Shabaab ah.”
Isaga oo ka hadlayey qaadashada Silvia ee diinta Islaamka, waxa uu yiri: “inta aan ogahaay, Silvia Romano waxay dooratay Islaamka sababtoo ah waxay fahamtay qiimaha diinteena, kadib markii ay aqrisay qur’aanka.”