Home Afsomali Agaasimaha Cusub Ee Wasaaradda Gaashaandhigga  oo Si Rasmi ah Xilka ula Wareegay.(DAAWO...

Agaasimaha Cusub Ee Wasaaradda Gaashaandhigga  oo Si Rasmi ah Xilka ula Wareegay.(DAAWO SAWIRADA)

Agaasimaha Cusub Ee Wasaaradda Gaashaandhigga  oo Si Rasmi ah Xilka ula Wareegay.
Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS Xasan Xuseen Xaaji ,Wasiir Xigeenka Wasaaradda Caafimaadka XFS Dr.Axmed Xuseen Macalin  “Gurey” ,Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS Gen.Maxamed Tahliil Biixi ,Xubno ka Socday Gudiga Shaqaalaha Rayidka iyo Saraakiil kale oo ay bahwadaag shaqo yihiin Wasaaradda Difaaca ayaa ka qeybgalay munaasabad uu Xilka kula Wareegayay Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Difaaca Xasan Siciid Samatar Gacaliye ,Waxaana madasha ku sugnaa agaasimihii Hore Ee Wasaaradda Gaashaandhigga Axmed Cabdi Kooshin.
Ugu horreyntii agaasimihii hore ee Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa si qota dheer ugu hadlay waxqabadkiisa mudadii uu Xilka hayay ,isagoo madaxda DFS ugu mahadceliyay sida kalsoonida ku jirtay ee loogu aaminay in uu ka mid noqdo Hoggaanka  laamaha amniga DFS ,isagoo u rajeeyay in agaasimaa Cusub howsha halkeeda uu ka sii wado,
Intaasi ka dib waxaa la dhaariyay agaasimaha Cusub ee Wasaaradda Gaashaamdhigga Xasan Siciid Samatar Gacaliye , Waxaana Xilk uu Si Rasmi ah ugu Wareejiyay Agaasimaha Cusub ee Wasaaradda  Ee dhawaan la soo Magacaabay ,intaasi ka dib ayaa loo dhaariyay Xilka Agaasimaha Cusub ,Waxaana uu goobta ka sheegay  in uu ka shaqeyn doono horumarinta howlaha baaxadda leh ee horyaala Wasaaradda ,isagoo kaashanaya Agaasime Waaxeedyada iyo Masuuliyiinta Wasaaradda ,
Dhanka kale munaasanadda oo ay ku sugnaayeen Wasiir Xigeenka Caafimaadka XFS iyo Taliyaha Ciidanka Dhulka ayay madasha ka sheegeen sida loogu  baahanyahay in la horumariyo adeegyada dowliga ah Ee Wasaaradda ay u heyso Ciidanka iyo Bulshadda .
Ugu dambeyntii Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga oo ka hadlay munaasabadda ayaa Sheegay in Sunnaha Dowladnimada iyo Shaqada  tahay in Xilalka lagu kala Wareego ,isagoo u mahadceliyay agaasimihii hore Ee Wasaaradda ,sidoo kale Waxaa uu sheegay in looga baahanyahay Agaasimaha Cusub in uu sii dardargaliyo howlaha hortabinta leh ee horyaala wasaaradda Gaashaandhigga ,sidoo kale Masuuliyiinta DFS ayuu ku booriyay in la dhaariyo Masuuliyiinta Xilalka Dowladeed loo magacaabayo isagoo Xusay in Sharciga Shaqalaha iyo Dastuurka KMG arintaas ay qeexayaan.
Si kastaba Munaasbadda ayaa ku soo dhammaatay Jawi farxad ku dheehantahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.