Home Afsomali Akhriso Magacyada Al Shabaab oo Goob Fagaare ah ku toogtay Afar nin...

Akhriso Magacyada Al Shabaab oo Goob Fagaare ah ku toogtay Afar nin oo ay qabteen

Fagaare kuyaala deegaanka Sablaale ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa Al Shabaab waxa ay ku toogteen afar nin ay ku eedeeyeen in ay katirsanaayeen ciidanka dowlada federaalka iyo maamulka Koonfur Galbeed.

Maxkamada Al Shabaab ayaa sheegtay dhamaan afarta nin ee xukunka dilka ah lagu fuliyay ay qirteen dambiyadii lagu soo eedeeyay ee ahaa in ay katirsanaayeen qaarkood ciidanka dowlada iyo maamulka Koonfur Galbeed.

Afarta nin ee xukunka dilka lagu fuliyay ayaa kala ahaa , 1- Ayuub Xassan Buraale 3-ano jir ahaa oo lagu eedeeyay in uu katiranaa maamulka Koonfur Galbeed, 2-Xassan Cusmaan Cali (Abayle) oo 40 sano jir ahaa oo isna lagu eedeeyay in uu kamid ahaa ciidanka dowlada ee joogay Baraawe,3- Xassan Faarax Maxamad (Gambiye) oo isna 40-jir ah ayaa lagu eedeeyay in uu kamid ahaa ciidanka dowlada, 4- Xuseyn Xassan Geelle oo 30 jir ahaa ayaa isna la sheegay in uu katirsanaa ciidanka dowlada.

Fagaaraha ragan lagu tooganayay ayaa waxaa joogay saraakiil katirsan Al Shabaab iyo dadweyne badan oo usoo daawasho tagay qaabka Al Shabaab xukunka dilka ah ugu fulineysay ragaasi gacantooda ku jiray.

Al Shabaab ayaa marar badan goobo fagaare ah ku toogatay dad kala duwan oo ay eedeeyeen, waxaana dadkaasi qaarkood Al Shabaab ka dhax qabteen deegaanada ay maamulaan .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.