Home Afsomali Dagaal xoogan oo hada ka socdo Magaalada Cadaado ee G.Galgaduud

Dagaal xoogan oo hada ka socdo Magaalada Cadaado ee G.Galgaduud

Dagaal xoogan oo u dhaxeeya laba maleeshiyo beeleed ayaa hada ka socda Magaalada Cadaado ee Gobolka Gal-gaduud.

Dagaalka ayaa si gaar ah uga socda deegaan lagu magacaabo Mirxaley oo ku yaala Galbeedka Magaalada Cadaado.

Dadka ku nool deegaanka Mirxaley ayaa soo sheegaya in dagaalkaasi ay ku geeriyoodeen ilaa seddex ruux dhaawacana uu intaasi ka badan yahay, walow aan si rasmi loo xaqiijin karin maadaama weli uu dagaalka socdo.

Malaashiyaadka dagaalamaya oo xoolo dhaqato ah ataa waxaa la sheegay inay isku heystaan dhul daaqsimeed ku yaalla deegaanka agu dagaalamayo,waxaana dadka deegaanka ay sheegayaan in ay weli rasaas maqlayaan.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in saacadaha soo socda ay deegaankasi tegi doonaan Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Magaalada Cadaado iyo Odayaasha Dhaqanka si ay u kaal dhex-galaan maleeshiyaadka dagaalamaya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.