Home Afsomali AKHRISO: Magacyada iyo darajooyinka ay lahaayeen Saraakiisha Ciidamada Dowladda ee lagu laayey...

AKHRISO: Magacyada iyo darajooyinka ay lahaayeen Saraakiisha Ciidamada Dowladda ee lagu laayey Galgaduud iyo kuwa lagu waayey

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda Federaalka, qeybta 21-aad oo qaab aano Qabiil  ah la sheegay in lagu  laayey inta u dhaxeysa Guriceel iyo Balamballe.

Falkan oo ay ka dambeysay maleeshiyo beeleed degaanka ah ayaa la sheegay inuu salka ku hayo aan qabiil, waxaana lagu dilay lix sarkaal oo degaankaasi caan ka ahaa oo meydadkooda la gelay, halka la la’ yahay saddex sarakaal oo kale.

Saraakiisha la dilay waxay magacyadooda kala yihiin:

1- Gaashaanle Dhagaqool Yuusuf
2- Gaashaanle Cabdi Guuna Guune
3- Laba Xiddigle Faarax Jaamac Colaad
4- Kabtan Shariif Cirro Maxamed
5- Gaashaanle Gaangul Xalane
6- Kabtan Siciid Xasan Faleey

Saraakiisha lagu waayey weerarka ayaa magacyadooda lagu sheegay:

1- Laba Xiddigle, Qalbi Indha-taag (Wararkii ugu dabeeyay ayaa sheegaya in sarkaalkan la helay isagoo dhaawac ah)
2- Gaashaanle Cayroow Warsame Xassan
3- Kabtan Suldaan Dirir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.