Natiijooyin horudhac ah uu diyaariyay Telefishinka gaarka loo leeyahay ee Citizen subaxnimadii hore ee saaka oo Arbaco ah ayaa muujinayay in labada musharrax ee ugu cadcad doorashada ee madaxweyne ku xigeenka William Ruto iyo hoggaamiyaha mucaaradka Raila Odinga ay aad iskugu dhow yihiin codadka ilaa hadda la tiriyay oo gaaraya 1.2 milyan oo cod, taasoo ka dhigeysa in ka badan 49% uu midkiiba helay.
Musharaxa ku guuleysta doorashada waa inuu helaa 50% oo lagu daray hal cod (50%+1).
Guddiga madaxa-banaan ee doorashooyinka iyo xuduudada ee IEBC, ayaa soo bandhigay sawirada in ka badan 90% foomamka natiijada doorashada, kuwaas oo laga soo qaaday 46,663 goob codbixineed.
Guddiga ayaa sheegay in ay aaminsan yihiin in 60% ka mid ah 22.1 milyan oo codbixiyeyaal ah oo is-diiwaangeliyay ay codkooda dhiibteen.