Home Afsomali Gabay:Ugaas Nuur Ugaas Rooble Allahayow nin ii daran maxaan daafta hore seexshay

Gabay:Ugaas Nuur Ugaas Rooble Allahayow nin ii daran maxaan daafta hore seexshay

Gabay:Ugaas Nuur Ugaas Rooble Allahayow nin ii daran maxaan daafta hore seexshay,
Nin i daaqsanaayana maxaan daafida u kariyay,
Jidhku nimaanu doonayn maxaan hadalka deeqsiiyay,
Ma dagdagee xaajada maxaan ugu dulqaad yeeshay,
Waji dabacsan daymo aan dareen galin dubaaqiisa,
Debna furan dabuub uuna ka didin deexashiyo muuso,
Qosol dibadda yaal oon ka iman dhuunta dacalkeeda,
Kanaan degay kanaan doorkan biday kani dan baan mooday,
Waxaa dood kaftan ah sheekada ugu daleeyaaba,
Dabinkaan u dhigo maalintuu dagalka soo saaro,
Intiiyoon dawaarka u rogoon xeelada u daadsho,
Isagoon digiin qabin maxaan kaga dayaansiiyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.