Home Afsomali FARQIGA U DHAXEEYA AFGAMBIGII 1AAD & KAN 2AAD EE SOOMAALIYA

FARQIGA U DHAXEEYA AFGAMBIGII 1AAD & KAN 2AAD EE SOOMAALIYA

FARQIGA U DHAXEEYA AFGAMBIGII 1AAD & KAN 2AAD EE SOOMAALIYA

Kacaankii koowaad ee 21 Oktoobar 69 wuxuu talada dalka la wareegay iyadoo Soomaaliya ku naalooneysay 10 sano oo dimoqraadiyad ah, dalka oo xiligaas ahaa wadanka kaliya qaarada Africa ee doorasho lagu kala baxayay, isbedelka siyaasadeed ee sanadihii ugu dambeeyay ka jiray Soomaaliya ayaa sababay in mar labaad Somalia tusaale u noqotay Africa iyo Bariga dhexe, tan iyo sanadkii 2000 waxaa dalka ka jiray nidaam qoray isu dhiib ah kaas oo tusaale dimoqraadiyadeed ka dhigay dalka Soomaaliya, waxaa soo muuqday ifafaalooyin muujinayay in rajo iyo kalsooni badan abuurantay, waxaa wax laga xumaado ah in koox yar ay doonayso in dalka ku celiso awood kaligii talis ah, waana sababta aan isu barbar dhigay 12 April 2012 iyo 21 Octobar 2021.

Markaan aabaha hogaaminayo kacaanka waa mid la doortay hase yeeshee iska dhigay in uu afgembi ku yimid. Waxaan akhriyay biographies-ka qaar ka mid ah kaligii-taliyeyaashii caalamka soo maray, (kuwooda la doortay iyo kuwa xabadda ku yimid) habka ay ku bilowdaan, marka ay kobcaan iyo dhamaadka jiritaankooda, waxaan ku soo qatimay buug laga qoray Jaalle Siyaad iyo buug ay qortay Barbara Geddes “How Dictatorships Work: Power, Personalization, and Collapse” waxaan hadana dib u xasuustay maaddo ka mid aheyd maaddooyinkii dugsiyada dhexe iyo sare ee Soomaaliya taas oo loo yaqiin maaddada “Kacaanka” waxaa hubaal ah in dhamaan kaligii taliyayaashii caalamka soo maray, kii dalkeena ka talinayay 21ka sano iyo kan maanta noo jooga dhamaantood ku biloowdaan ayna maraan kuna dhamaadaan dariiq isku mid ah.

Dib markaad u fiiriso hab-dhqankii kacaankii 21ka Oktobar, waxaa kuu muuqanaya sawirka aan ka hadlayo iyo in aan cagta saarnay dariiqii 21kii Oktoobar ama mid ka halis badan, kaligii taliyihii koowaad iyo kan maanta farqiga u dhexeeya waa mid yar, waxaa ka mid ah dalka uu Farmaajo doonayo in uu doorasho la’aan ama iyadoo aan heshiis la gaarin hogaamiyo waa dal burbursan, dagaal sokeeya ka soo kabanaya, argagixiso iyo faqri ay halakeeyeen, dhaqaale warkiisa haba sheegin, magaalooyinku kala xiran yihiin, ciidamo ajnabi ahna ilaaliyaan.

Afgabigii 1aad ee dhacay habeenkii 21 Oktoobar 1969kii, waxaa kacaanku ku sifeeyay “waxaa awooda dalka la wareegay shacabka iyo ciidamada oo isku duuban si dalka loo gaarsiiyo doorasho xor ah, xasuusnoow doorashada xalaasha ah ee uu Jaalle Siyaad balan qaaday waxay noqotay mid kaligiis ku tartamo kuna guuleysto 99.99% codadka, mar kale ayaa dadka Soomaaliyeed loogu baaqayaa dhalanteed ah in awooda gacantooda lagu soo celnayo, xaqiiqdu waa si fiican ayaa awoodda gacanta shacabka looga bixinayaa.

Tusaalooyinka ugu fiican ee isku xiraya labada afgambi waxaa ka mid ah, inqilaabkii koowaad siyaasiyiinta hab dhaqankiisa foosha xun diidan waxuu ku tilmaami jiray “waxay doonayaan in ay dib noo celiyaan, “Dib u socod” ama “Reactionary”, waa eray duugoobay oo ay aad u jeclaayeen dadka haystay fikradihii Marxist–Leninist, maanta isla eraygii ayaa nagu soo noolaaday 52 sano kadib, Isbedel meelo badan uga eg kii Kacaanka ayaa dhacay 12 April 2021. Inta ka aragtida duwan waxaa lagu tilmaamay in ay dalka dib ugu celinayaan burburkii (Dub u socod).

Kacaanka labaad ee inoo curtay 12 April, uma eka mid la yimid hal-abuur cusub iyo yididiilo dadka soo jiidata si loo indha sarcaadiyo bulshada, kaliya waxuu soo minguuriyay halhaysyadii kacaankii ka horeeyay ee Oktoobar. Jaalle Siyaad inta aan ku fikirka ahayn wuxuu ku dhaawici jiray sumcadooda dacaayaddo gaar sida ah “Shisheeye-kalkaal” si gaar ah waxaa loogo rakibi jiray in ay u shaqeeyaan dalka Ethiopia oo markaas cadaawad dhul kala dhaxaysay Soomaaliya, maanta waxaa mucaaradka lagu shaabadeeyaa Kenya iyo Emirates “Kenya oo xuduudda badda aan isku haysano, halka Emirates-ku uu noo dhaxeeyo muran ka dhashay heshiiskii dekadda Berbera” waa isla aragtidii kacaanka ee ahayd cidii aan nagu fikir ahayn waxay u shaqaysaa wadamo shisheeye gaar ahaan kuwa colaadu naga dhax taagan tahay.

Isticmaalka warbaahinta iyo suugaanta waxay ahaayeen qalabka lagu hago shacabka xiligii Kacaanka si loogu jiheeyo dariiqa uu kaligii taliyihi ku hogaaminayay dalka, inkasto oo maanta ay warbaahintu intii hore ka tiro badan tahay kana casrisan tahay tayada yeelkadeede, waxaa kacaanka cusubi dhaqaale badan ku bixinayaa baraha bulshada iyo dad u badan dhalinyaro loo bixiyay cayayaanka baraha bulshada si shacabka looga weeciya wadadii dimoqraadiyada.

Runti waa nasiib daro in halki aan fileynay in aan gaarno 4 sano kadib aan lagu guuleysan, dhamaan himilooyinkii aanu sugeynay sida dhismaha ciidamo qaran bedeli kara Amisom, dhamystirkii dastuurka,  cadaaladda, gaarista doorasho qof iyo cod ah, dalka in laga xoreeyo Alshabaab, ka guul gaaridii wada hadalka Soomaaliland intaba waxaa la filayay in wax la taaba karo laga qabto, ma jirin caqabad hor istaagtay in loo dhaqaaqo fulinta qorshayaasha laga sugayay madaxweynihii hore, waxaa hubaal ah in hadii laysku dayo wax ka hagaagi lahaayeen qorshayaashaas suurto galna ay tahay in dib u dhaca aan ka hadlayo yahay mid si ula kac ah ku yimid.

Bedelkeeda waxaa la wiiqay federaalkii aanu ku heshiinay, waxaa la xoojiyay qabyaaladda iyo kala shakiga beelaha, waxaan walaal saaxiib ah la noqonay Ethiopia iyo Erietria, waxaan go’doominay walaalaha Soomaaliyeed ee Djibouti, calaamka intiisa kalena waa la farmajeeyay (lagu ciyaaray) inta badan ciidamadii waxay qayb ka noqdeen dagaalada qabiilka, waxaa awood iyo dhaqaaleba kobcay Alshabaab, arinta Somaliland maba ka hadli karo anigu oo Puntaland & Jubaland ayaanan meelna ku sheegin, intaas iyo ka badan guuldaro ah ayaa dhacday, ninkii mas’uuliyada lahaana waxuu doonayaa in loo mahad celiyo laguna abaal mariyo laba sano cusub.

Hadii Soomaaliya lahaan lahed hanaan cadaaladeed la xisaabtami karo cid kasta ee dalka gelisa qalalaase siyaasadeed iyo mid amni aan  loo baahnyn, Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed C. Farmaajo kuma dhiiradeen ficiladii uu soo waday afartii sano ee uu talada dalka in uu hayo loo doortay iyo bilihii uu isagu isu dhiibay, waxaan rajeynaa in tani noqoto mid cashar wanaagsan laga bartay, in halbeega qofka lagu qiimeeyo uu noqdo wixii uu dadka iyo dalka u soo qabtay, in qofka wax loo dhiibayana la hubsado oo aan lagu qatalmin qudbadiisa iyo xarfaha CV-ga ugu qoran.

Waxaan Eebe nooga baryayaa midnimo iyo horumar dhan walba ah.

Ahmed Guled

guleduk@hotmail.com

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.