Home Afsomali Al-Shabaab oo sheegtay in Askar katirsan howlgalka ATMIS ay weerar kudileen

Al-Shabaab oo sheegtay in Askar katirsan howlgalka ATMIS ay weerar kudileen

Dagaal culus oo leysku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa Ciidamo katirsan kuwa Uganda ee qeybta ka ah howlgalka ATMIS & Al-Shabaab waxaa uu ku dhexmaray deegaanka Buulo-colow oo ah deegaan hoostaga degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Dagaalka ayaa waxaa uu yimid kadib markii Al-Shabaab ay dhowr jiho ka weerareen Saldhiga Ciidamada Uganda ee degaanka Buulo colow, waxaana dadka degaanka ay sheegeen inay maqlayeen dhawaqa rasaasta ay labada dhinac isku adeegsanayeen.

Al-Shabaab oo sheegatay mas’uuliyadda weerarkaas ayaa sheegtay inay kudileen 8 askari oo kamid ah Ciidamada Uganda lix kalena ay ku dhaawaceen wallow aysan jirin warar madax bannaan oo xaqiijinaya sheegashada Al-Shabaab.

Saraakisha Ciidamada Uganda ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaan weli ka hadlin dagaalka & Warka kasoo baxay Al-Shabaab, waxaana  weerarkan uu noqonayaa kii labaad oo todobaadkaan ay Al-Shabaab ku qaadaan Saldhiga Ciidamada Uganda ku leeyihiin duleedka degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.